Dowladda Suudaan oo diiday gogosha uu Abiy Ahmed dhigay Addis Ababa

Written by

in

Dowladda Suudaan ayaa diiday gogosha uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu sheegay in uu Addis Ababa u dhigay Dowladdaas iyo mucaaradka ay is hayaan ee dagaalka tooska ah uu kol hore dhexmaray.

Suudaan ayaa sheegtay in Itoobiya ay la safan tahay Kooxda RSF labadoodana ay kuwada xiran yihiin Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta oo garab u ah Kooxda Dacmu-sariic ee dagaalka kala soo horjeeda.

Xukuumadda Khartum ayaa dhiggeeda Addis Ababa ku tilmaamtay in aysan buuxin shuruudaha looga baahan yahay dal dhexdhexaadin samaynaya maadaama Itoobiya ay la safan tahay Kooxda RSF.

Arrinta kale ee xusidda mudan ee Suudaan ka timid waa in Dowladdaas ay Itoobiya ku sheegtay in dalkeeda looga soo dhex duullo dalkooda sidaas awgeed marka hore loo baahan yahay in Addis Ababa ay sax khaladaadka ay dhexds uga jirto.

Bayaanka kasoo baxay Golaha Kumeel-gaarka ah ee Suudaan ayaa lagu sheegay in aanay jirin kalsooni ay ku qabaan Itoobiya oo si aan qarsoodi ahayn u wadata Imaaraatka iyo Kooxda RSF ee dagaalka kala dhaxeeya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa shalay ku dhawaaqay in uu gogol nabadeed oo ay kuwada hadlayaan dhinacyada isku haya Jamhuuriyadda Suudaan uu dalkiisa dhigayo waa haddii ay aqbalaan labadaan dhinac.

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *