hogaamiyaha galmudug oo sagootiyay wafdi

Written by

in

Hoganmiyaha galmudug liiban ayaa. caawa kulan sagootin ah u sameeysy mas’uuliyiintii heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo kuwii hay’adaha Samafalka ee ka qaybgalay Shirweynaha Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

hogmiyaha oo qoraal soo saaray aya yiri

“‘Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa diblomaasiyiinta, wakiillada hay’adaha caalamiga ah iyo dhammaan bahwadaagta Soomaaliya ka taageera arrimaha bani’aadannimada, kuwaas oo garab istaag joogto ah la hareer taagan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee bani’aadannimo”.

Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka go’an xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga hay’adaha kala duwan, si loo horumariyo gurmadka bani’aadannimo, loo gaarsiiyo adeegyada bulshada u baahan, loona helo xalal waara oo wax looga qabanayo baahiyaha jira.

Sidoo kale,hogamiyaha ayaa sheegay inuu bogaadinayo dadaalka iyo shaqada ay hayaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee u taagan gurmadka iyo badbaadinta nolosha muwaadiniinteenna, gaar ahaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo door muhiim ah ka qaadata isku-dubbaridka iyo hoggaaminta gurmadka bani’aadannimo ee dalka.

“‘Waxaan rajeynayaa in wada-shaqeyntii iyo is-afgaradkii ka dhashay madashani ay horseedaan iskaashi miro-dhal ah, si wadajir ahna aan uga jawaabno baahiyaha bani’aadannimo ee haysta shacabka Soomaaliyeed.””

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *