Xulka qaranka Senegal oo dib loogu soo celiyey horyaalkii Koobka Qaramada Afrika ee 2025

Xulka qaranka Senegal ayaa dib loogu soo celiyey horyaalkii Koobka Qaramada Afrika ee 2025 (AFCON), kaddib markii Maxkamadda Caalamiga ah ee Xalinta Khilaafaadka Isboortiga (CAS) ay aqbashay racfaankii Senegal ee ka dhanka ahaa go’aankii lagaga qaaday koobka.

Go’aankan ayaa ka dhigan in xulka Morocco laga xayuubiyey horyaalka oo ay horay ugu dhawaaqday Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), laba bilood kaddib finalkii muranka dhaliyey ee dhacay 18-kii Janaayo magaalada Rabat, kaas oo Senegal ay guul 1-0 ah ka gaartay Morocco.

Go’aanka CAS ayaa yimid kaddib racfaan ay Senegal gudbisay markii CAF ay bishii Maarso 2026 ka qaaday horyaalka, iyadoo Morocco ku dhawaaqday inay tahay kooxda ku guuleysatay koobka Afrika.

CAF ayaa xilligaas ku doodday in Senegal ay ciyaarta ku lumisay habka forfeit-ka, kaddib markii ciyaartoydeedu ay garoonka ka baxeen iyagoo ka cabanaya rigoore loo dhigay xulka Morocco. Ciyaartoyda Senegal ayaa garoonka dib ugu soo laabtay 14 daqiiqo kaddib, waxayna gool dhaliyeen intii lagu jiray waqtigii dheeriga ahaa.

Guddigii garsoorka ee CAS, oo uu hoggaaminayey khabiirka sharciga ciyaaraha ee Faransiiska Gerald Simon, kana mid ahaayeen borofisar Luigi Fumagalli oo u dhashay Talyaaniga iyo qareen Ulrich Haas oo ka tirsan Jaamacadda Zurich, ayaa sheegay in garsoorihii ciyaarta uusan ku kicin wax khalad sharci ah.

Xoghayaha guud ee CAS, Matthieu Reeb, ayaa xaqiijiyey in guddigu uu go’aankiisa ku saleeyey qiimeyn sharci oo ku saabsan dhacdooyinkii finalka.

Senegal, oo bishii Janaayo si weyn ugu dabaaldegtay ku guuleysiga koobka markii ay dalkooda ku laabteen, ayaa si adag uga hortimid go’aankii rigoorada ee finalka, waxayna racfaan u gudbisay CAS, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee xalisa khilaafaadka la xiriira ciyaaraha.

Xiriirka Kubadda Cagta Senegal ayaa sidoo kale si adag u dhaleeceeyey go’aankii CAF, isagoo ku tilmaamay tallaabo saameyn weyn ku yeelan karta mustaqbalka kubadda cagta adduunka, isla markaana wiiqi karta mabda’a dhigaya in go’aannada garsoorayaasha ay yihiin kuwo kama dambeys ah.

Qareenka Juan de Dios Crespo Perez, oo matalayey xiriirka Senegal, ayaa horay u sheegay in go’aanka CAF uusan noqon karin mid loo aqoonsado caddaalad isboorti oo dhab ah.

“Go’aankan xitaa looma tixgelin karo xukun caddaaladeed oo isboorti oo dhab ah; waa mid aad u qallafsan, aan macquul ahayn, isla markaana aan caqli gal ahayn,” ayuu yiri qareenku.

Go’aanka cusub ee CAS ayaa sidaas ku soo afjaraya murankii sharci ee ka dhashay finalkii Koobka Qaramada Afrika 2025, iyadoo Senegal dib loogu aqoonsaday horyaalka, halka Morocco laga qaaday koobkii markii hore la guddoonsiiyey.

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *