Home Uncategorized Xasaasi :Somaliland oo ka walacsan ciidanka haramcad oo gobalka sanaag diyarado Lagu...

Xasaasi :Somaliland oo ka walacsan ciidanka haramcad oo gobalka sanaag diyarado Lagu geeyay

7
0

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee la geeyay qaybo kamid ah gobolka Sanaag, waxayna sheegtay in cawaaqibka arrintaasi ka dhasha uu dusha saaran doono Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa yidhi: “Ninka Moqokori ay Al Shabaab ka qabsanayso ee aan xasillin karin ammaanka Muqdisho, ayaa Sanaag ciidan u diraya – waa wax laga xishoodo. Waxaanu leenahay: cawaaqibka ka dhasha cid kula qaadan mayso ee adaa yeelan doona.”

 

“Waxaanu ku waaninaynaa oo aanu ugu baaqaynaa in uu faraha kala baxo waxa aan loo diran loona dooran ee uu faraha kula jiro. Somaliland xuduudeeda iyadaa iska leh,” ayuu Wasiir Ayaanle hadalkiisa sii raaciyay.

 

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay gadood sameeyeen shalay sababo la xidhiidha mushaar la’aan, taas beddelkeedana dhaqaalihii beesha caalamku siisay dowladda Soomaaliya loo isticmaalayo in lagu weeraro deegaano nabad ah. Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay fiiro gaar ah u yeeshaan lacagaha ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here