Dhammaan cadaymaha ilaa hadda waxay muujinayaan in ciyaaryahanka reer Portugal ee Diogo Jota uu kaxeynayay gaarigiisa markii uu shil ku galay waddo wayn oo ku taalla dalka Spain.
Warbixinadii ugu dambeeyay ayaa muujinaya inay u badan tahay inuu ku socday xawaare sare, sida ay booliisku sheegeen.
Ciyaartoyga Liverpool oo 28 jir ah ayaa la dhintay walaalkiis André Silva, oo 25 jir ah, ka dib markii ay gaarigi ay wateen ay lugta u baxday gobolka waqooyi-galbeed ee Zamora horaantii Khamiista hore.
Booliiska Spain ayaa xiligaasi sheegay in gaariga ay u badan tahay inuu gaariga uu isku dayay in uu xoog ku dhaafo gaari kale oo ka horeeyay meel u dhow Palacios de Sanabria islamarkana uu waddada ka baxay oo uu dab qabsaday.
“Wax walbaa waxay tilmaamayaan suurtagalnimada in xawaaruhu uu gaariga ku socday uu dhaafay xadka la ogol yahay,” ayuu yiraahdeen ciidamada wadooyiinka ee gobolkaZamora.