War ka so baxay Booliska Degmada Gaalkacyo.
Police-ka saldhiga degmada Galkacyo ayaa ku guulaystay inay gacanta ku soodhigeen nin sheegay in muraayada gaarigiisa ay ka jabiyeen labo ilmood oo yar yar kadibna uu si sharciga baal marsan uu gaarigiisa ilmihii ugu qaatay balse dadaal dheer oo ay sameeyeen Police-ku ayaa lagu guulaystay in si amaan ah gacanta loogu soodhigo ninkii iyo labadii ilmood, waxayna hada ku jiraan gacanta Police-ka saldhiga degmada Galkacyo.
Taliyaha saldhiga Police-ka degmada Galkacyo Gaashaanle Cali Xirsi Sahal ayaa yiri “Waxaan sidoo kale bulsho waynta Galkacyo la wadaagaynaa in 24-kii saac ee lasoo dhafay aysan jirin wax af duub ah oo magalada Galkacyo ka dhacay balse maalin ka hor ayaa waxaa magalada ka dhacay in kooxo hubaysan ay wiil dhalinyaro ah u gaysteen afduub wilina laamaaha amaanku ay ku daba jiraan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa wiilkaas dhalinyarada ah, waxaana bulshada qaybaheeda kala duwan la wadaagaynaa inay is dajiyaan lana shaqeeyaan Police-ka degmada Galkacyo.”
Mudooyinkiibu danbeyay magaalada gaallkacyo ee xarunta gobalka mudug waxa Ku soo badanayay afduubka kaasi oo ay geysanayeen kooxo hubaysan oo ka soo jeeda dhanka puntand