Taliska Booliska Caasimadda Dhuusamareeb, oo kaashanaya Talisyada Booliska degmooyinka Xeraale iyo Balanballe, ayaa habeenkii labaad ka fuliyay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga.
Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay gudaha magaalada iyo xaafadaha caasimadda,waxaana horkacayey Taliyaha Booliska Caasimadda G/le Nuur Cilmi Maxamed.
Howlgalka waxaa diiradda lagu saaray sugidda gaadiidka iyo dadka lagu tuhmayo falal amni-darro,
Howlgalka waxaana qeyb ka ahaa Taliyaha Booliska Degmada Balanballe, Dhamme Liibaan Cabdi Cismaan Iyo Taliyaha Booliska Degmada Xeraale.L/le Ahmed Ciiro ayaa kormeer ku sameeyay goobaha bulshada isku aragto iyo xarumaha ganacsiga, wuxuuna bulshada la wadaagay amar horay uga soo baxay Taliska Booliska Galmudug, kaas oo ganacsatada loogu sheegay in ay xirtaan kaamirooyinka CCTV-
si loo xoojiyo amniga. goobahoohada ganacsiga.
Bulshada caasimada ayaa soo dhaweydayHowlgalkaan Lagu xaqiininayo Amniga caasimadda Saraakiisha ayaa warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah ganacsatada durba hirgaliyay amarkaasi oo xarumahooda ku xiray kaamirooyinka.