Wararka ka imaanaya Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan uu dagaal culus uu ku dhexmaray duleedka Bari ee magaalada Garoowe ee Gobolkaasi.
Dagaalka ayaa waxaa uu si gaar ah ugu dhacay agagaarka Beerta 22-aad ee Magaalada Garoowe, sida ay sheegayaan dad Goobjoogayaal ah.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen kadib israsaaseyn dhexmartay maleeshiyaad hubaysan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu Salka ku hayay muran dhuleed oo u dhexeeyay koox hubeysan.
Ciidamada ammaanka ayaa la soo werinayaa inay tageen goobta uu dagaalka ku dhexmaray maleeshiyaadka hubeysan.
Ma jiro weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay laamaha
ammaanka.