Wararkii ugu danbeyay ee Ku soo dhacda xafiiska warqabadka Hobyomedia ee gaallkacyo ayaa sheegay in weerar Lagu dilay: haweney uu ka dhacay Deegaanka Inajiirow oo udhaxeya cadaado iyo Cabudwaaq
Barqanimadii Saaka ayaa lagu soo waramayaa in gabar geel goobeysay lagu dilay deegaanka Inajiirow, oo udhaxeeya magaaloyinka cadaado iyo Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Marxuumadda la dilay ayaa kasoo jeeday magaalada Cadaado, halka ragga falka gaystay ay kasoo jeedeen magaalada Cabudwaaq, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Odoyaasha deganka oo goordhaw la hadlay xarunta Hobyomedia ee dhuusamareeb ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo lagu qaboojinayo xiisad waxana ay shegeen in xiriryo Kala duwan ay sameeyen ay la hadleen odoyaasha Dhaqanka labada dhinac.
Saraakiisha lamaha amaanka oo sidoo kale aan la xiriiray Aya sheegay in ay hayaan xogta arintan balse ay wadaan baaritaano
Arintan ayaa waxa ay salka Ku haysa aanoyin qabiilada oo Dhawan Deganada maamul gobaleedka galmudug Ku soo badanayay
Wixi warar ah oo Ku soo kordha Kala soco Hobyomedia