Beelaha Walaalaha ah ee Sacad iyo Qubeys oo Maantay Dhamaystiray Heshiiskii Degaanka Dhaghaye.
Masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa ka qeyb galay Gunaanadkii shirka Nabadaynta Beelaha walaalaha ah ee Sacad iyo Qubeys
Shirkaan oo ka dhacay Deegaanka Dhaghaye ee koonfurta Gobolkaan Mudug ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb ahaa Odayaasha dhaqanka Beelaha ehelkaa iyo maamulada Wisil ,Bajeela iyo Laas-gacameey
Gunaanadka shirkaan Nabadaynta ah ayaa ahaa mid mudodaysnaa oo xal waara looga gaaray dhul-qaadsimeed beelahaan horay iskugu qabsadeen iyo Hanti ay isku sheeganayeen oo gubatay Qulqulatooyinkii xiisaddu sababtay.
Horey labada dhinac ayaa uga heshiiyay Dhul daaqsimeedka, maantayna waxay dhameystireen oo kala qaateen Hantidii ku burburtay Xiisaddaasi oo Labada dhinac isku sheegteen lacag kor u dhaafaysa $30K oo dolar.
















