Home Uncategorized Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Puntland

Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Puntland

9
0

Taliska ciidanka Mareykanka ayaa xaqiijiyay iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya in ay duqeymo ka fuliyeen deegaanno meel koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Puntland.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka ay la beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Daacish, isla markaasna khasaare la Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Puntland gaarsiiyay.

 

“Duqeyntani waxay muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AFRICOM in laga hortago khatarta Daacish, isla markaasna ay sii wadi doonaan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay AFRICOM.

 

Sidoo kale, Africom ayaa xaqiijisay in la hubiyay goobaha laga fuliyay duqeymaha, isla markaasna aysan cid shacab ah khasaare ka soo gaarin.

 

Taliska ciidanka Mareykanka iyo Dowladda Federaalka ayaa kordhiyay duqeymaha ay iska kaashanayaan ee ay ka fuliyaan gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here