Home Wararka Galmudug Xiisad dagaal iyo wararkii U danbeyay

Xiisad dagaal iyo wararkii U danbeyay

10
0

 

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay wadaan dhaq dhaqaaqyo milateri iyo abaabul ay ku doonayaan in ay dib u qabsadaan degmada Moqokori, oo shalay ay la wareegen maleeshiyaadka Al-shabaab,kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.

 

Dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ayaa bilaabay abaabul xooggan iyo gurmad dagaal, si ay mar kale gacanta ugu dhigaan degmada Moqokori, Waxaana saaka socda dhaq dhaqaaqyo xooggan oo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.

 

 

Shalay dagaalkii ugu cuslaa ayaa ka dhacay degmada Moqokori, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen degmadaasi, kadibna ay la wareegeen degmadaaasi.

 

Labo sano iyo bar ka hor ayaa laga saaray Al-shabaab magaalada iyadoo ay gacanta u gashay ciidamada deegaanka oo gacan ka helaya ciidamada dowladda.

 

Degmada Moqokori ayaa ah meel isku xirta gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, iyo Galgaduud, taas oo ka dhigan mid muhiimadeeda dhanka isku socodka halbowle u ah gobolladaas.

 

Dowladda Soomaaliya ayaan wali war ka soo saarin galitaanka al-shabaab ee degamada Moqokori.

 

Hiiraan ayaa waxaa in muddo ah ka socda guluf culus oo ay qayb ka yihiin dadka deegaanka, kaas oo horseeday in gobolkaasi si weyn looga difaaco argagixsada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here