Home Uncategorized Ethiopian oo gobalka Hiiraan geysay hub culus

Ethiopian oo gobalka Hiiraan geysay hub culus

7
0

Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shixnad milateri oo ay ugu talagashay in ay ku kaalmeyso dagaalka ay ciidamada dowladda iyo kuwa macawisleyda reer Hiiraan ay kula jiraa Ururka Alshabaab soo gaarsiisay gobolka Hiiraan, sida ay BBC u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Shixnaddan ma ah tii ugu horreysay ee ay Itoobiya soo gaarsiiso gobolka Hiiraan, waase markii seddexaad ee ay soo gaarsiiso, balse gargaarkan milateri ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan ay Alshabaab ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Moqokori ee gobolka hiiraan.

Shixnadda oo ka koobneyd ilaa sedex gaari oo shiraacan oo kuwa xamuulka sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah ayeysan labada maamul ka hadlin waxa ay kooban tahay, waxaana Taliyaha Guud ee Ciidanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Gen. Cabdi Cali Siyaad uu ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here