Home Uncategorized Qarixii muqdisho ee Maanta Iyo xog xasaasi ah

Qarixii muqdisho ee Maanta Iyo xog xasaasi ah

12
0

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qof walxaha isku soo xiray uu isku qarxiyay kulliyada ciidamada ee Jaalle Siyaad barqanimadii maanta. Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya oo war kooban soo saartay ayaa sheegtay in abaare 11:20 uu qarax ka dhacay afaafka hore ee kuliyadda kaas oo uu fuliyay bay yiraahdeen xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab oo is qarxiyay.

 

Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada ammaanku ay wadaan baaritaan, isla markaana la soo gudbin doono macluumaadka iyo xogta qaraxa marka uu soo dhammaado baaritaanku.

 

Al-shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxa ayaa iyana soo weriyay in qofka is qarxiyay uu beegsaday ciidamo tababar ku jira iyo saraakiil caddaan ah, halkaasna uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

 

Illaa hadda lama hayo xog madaxbanaan oo ka hadlaysa khasaaraha uu dhaliyay qaraxa ka dhacay maanta kulliyada Jaalle Diyarado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here