Home Uncategorized Mareynkanka oo dowlada soomaliya siiyay gadiidka dagaalks xog muhiim ah

Mareynkanka oo dowlada soomaliya siiyay gadiidka dagaalks xog muhiim ah

18
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay gaadiid casri ah oo ay Dowladda Mareykanka ugu deeqday Ciidanka Booliiska, gaar ahaan waaxda la dagaalanka argagixisada.

 

Mr. Steven Gillen, oo ah safiir ku xigeenka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa wareejinta gaadiidkan ka dhigay munaasabad kooban oo ka dhacday Muqdisho.

 

Taliyaha Booliiska ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah iyo garab istaagga ay siiyaan ciidamada amniga, isagoo xusay in gaadiidkan cusub ay si gaar ah uga faa’iideysan doonaan ciidamada gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada, kuwaasoo mararka qaar u baahan dhaq-dhaqaaq deg-deg ah iyo qalab casri ah si ay ula tacaalaan khatarta Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee nabadda diidan.

 

“Horumar weyn ayaa lagu sameeyay tayada iyo qalabaynta ciidamadan, waxaana gaadiidkan qeyb ka noqon doona dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka,” ayuu yiri Taliye Asad Cismaan.

 

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, iyo la dagaalanka argagixi ifsada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here