Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa billaawday qorshe dib loogu furayo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, si loo yareeyo culeyska iyo ciriiriga ay wajahayaan Shacabka ku dhaqan Caasimadda.
Guddi loo xilsaaray xal ka gaaraan saxmadda ka jirta waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Guddigan oo ka kooban Hay’addaha Amniga, Maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka ka dhasha ciriiriga gaadiidka ee waddooyinka Muqdisho, iyo sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa waddooyinka xiran si dib loogu furo.
Shirkaan ayaa sidoo kale la isku raacay in culeyska xayiraadaha ka dhashay laga yareeyo shacabka.
Wasiirka ayaa faray guddiga in ay si degdeg ah u billaabaan howlaha, isla markaasna soo diyaariyaan qorshe lagala soo tashaday hay’adaha amniga, gaadiidka, iyo maamulka degmooyinka.
Waddooyinka loo yaqaan Jid cadayaasha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku go’an dhagaxyo, tillaabadaasi oo dowladda u qaaday sidii loo xaqiijin lahaa Amniga, loogana hortagi lahaa qaraxyada.