Dayaarad gaar ah oo ka baxday shalay gelinkii dambe garoonka diyaaradaha Leipzig ayaa sideed qof oo Soomaali ah u qaaday magaalada Muqdisho sida ay dowladda Jarmalku sheegtay.
Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiis-goboleedka magangalyada iyo dib-u-celinta ee gobolka Bayern, sideeda qof ee la celiyay ayaa aheyd arrin sharciyan loo baahnaa in dadkaas dalka laga saaro. Lix ka mid ah sideeda qof ee la celiyay waxaa lagu qaaday sharciga gobolka Bavaria, waxaana lagu helay dambi.
Dambiyada lagu helay dadkan waxaa ka mid ah isku day dil, kufsi, dil-bareer ah, dhaawacyo halis ah, dhac, iska caabin ciidamada ammaanka iyo kuwa kale.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in gobolka Bayern ay ka go’an tahay in ay siiyaan mudnaanta kowaad sidii dib loogu celin lahaa dambiilayaasha la doonayo in dalka laga saaro.p4
Sidoo kale waxay dowlada sheegtay in si degdeg ah oo wax ku ool ah ay u masaafurineyso dadka ay tahay in dalka ay ka baxaan gaar ahaan dambiilayaasha iyo kuwa rabshadaha sameeya. Waxay kaloo sheegtay dowladda in tani ay ku timid iskaashiga xoogan ee ka dhexeeya xafiisyada dowladda iyo booliska.