Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Ahmed Juma Al-Rumaithi.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulanka maanta uga wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya ee labada dal ee ku dhisan wax-wada qabsiga.
Safiirka ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, waxaa uuna shaaca ka qaaday in ay ka shaqeynayaan horumarinta kaabiyaasha dhaqaalaha.
Dowladda Imaaradka Carabta ayaa ka mid ah dalalka si weyn u taageera Soomaaliya, waxaa ayna xarumo ay ku leedahay Jubbaland,Puntland iyo Soomaaliland.