Home Uncategorized Xog waa Kuma saraakiisha sare sare ee laga laayay Al-Shabaab

Xog waa Kuma saraakiisha sare sare ee laga laayay Al-Shabaab

13
0

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay xadka kala qeybiyaha Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe lagud dilay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

 

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen Isgoyska Gayacad oo u dhow deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, halka shan kalana dhaawacyo halis ah lagu gaarsiiyey.” ayaa lagu yiri qoraalka.

 

Sidoo kale qoraalka NISA ayaa waxaa intaasi lagu daray “Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan oo isla xalay ah, ayaa waxaa lagu beegsaday koox Khawaarij ah oo laga soo abaabulay degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo doonayay in ay gurmad ahaan ugu gudbaan Khawaarij kale oo ku go’doonsan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.”

 

Taliska NISA ayaa sidoo kale warka ku sheegay ” Inkasta oo Kooxda Khawaarijtu isku dayday in ay ku dhuumaaleysato dhulka howdka ah, haddana seddaxda howlgal ee lagu bartilmaameedsaday ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, waxaana halkaas lagu dilay 15 xubnood oo Khawaarij ah halka ilaa shan kalana la xaqiijiyay in dhaawacyo halis ah ay gaareen. Howlgalka ayaa wali socda iyada oo lagu lagu raad-joogo firxadka maleeshiyaadka baxsadka ka ah howlgallada dha

cay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here