Waxaa mar kale soo cusboonaaday loolanka dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ee la xiriira gacan ku heynta gobolka Gedo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay socdaan dhaqdhaqaaqyo ay labada dhinac ka wadaan gudaha magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Warbaahinta Jubbaland ayaa baahisay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku daabuleyso gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Beledxaawo.
Sidoo kale, Ilo wareedyo ku sugan Beledxaawo ayaa soo sheegaya in dowladda Federaalka ay gobolka Gedo u magacaabeyso mas’uuliyiin iyo saraakiil cusub si ay uga shaqeeyaan Amniga iyo nabad galyada gobolka.
Dhaqdhaqaaqyadani waxaa ay ku soo soo aadayaan xilli dhawaan Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre uu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha gobolka Gedo oo Cabdirishiid Janan saameyn ku leeyahay.
Khilaaf ayaa muddo ku dhow sannad u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, kaasi oo salka ku haya Doorashadii 25 Novembar lagu doortay Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Weli Dowladda Soomaaliya kama hadlin dhaqdhaqaaqyada ka socda gobolka Gedo iyo eedaha ay u jeediyeen maamulka Jubbaland.