Home Uncategorized Dhacdo dhax martay oday Hindi ah Iyo Somali ah arin guurka gabadhiisa...

Dhacdo dhax martay oday Hindi ah Iyo Somali ah arin guurka gabadhiisa Ku saabsan

3
0

Dalka Hindiya waa dalka labaad ee ugu dadka badan dunida haddana waa dalka koowaad ee ugu furriinka yar dunida. Waxaa ku nool bulshooyin kala duwan marka laga hadlayo dhinacyada dhaqanka, diinta iyo luqadda, sidaas daraaddeed tusaaleyaasha ay qormadan bixineyso waxay ka tarjumayaan dhaqanka Hindida qaar ee aan la kulmay.

 

Haddii guurka sabab iyo shuruudo ay ka horreeyaan waxaa adag in la is furo, haddana markii laga gudbo shuruudaha waa in laga dhabeeyaa oo la ilaaliyaa sababta la isu guursaday.

 

Dumarka Hindiya kama fiicna haweenka kale oo dhan, laakiin waxaa jira labo sabab oo marka laga yimaado rabitaankooda nololeed ku khasbaya inay raalliyooyin noqdaan.

 

Midda koowaad, gabadha Hindida ah haddii la furo ama laga dhinto way adag tahay in mar kale la guursado.

 

Tan labaadna, ninka Hindiga ah wax kasta waxaa uga horreeya carruurtiisa iyo xaaskiisa, aad ayay ugu faanaan.

 

Tusaalaha ugu fudud waxaa waaye, nin Hindi ah oo qoys ah markii aad isbaraneysaan wuxuu ku leeyahay, “magaceygu waa hebal. Heerkeyga aqoonta waa sidaas. Halkaas ayaan ka shaqeeyaa ama waxaas ayaan qabtaa. Waxaan leeyahay xaas, heblaayo ayaa la yiraahdaa. Heerkeeda aqoonta iyo shaqadeeda waa sidaas. Intaas oo carruur ah ayaa ii joogta, waxbarashada halkaas ayay maraayaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here