Home Uncategorized Faah faahino :Dagaalo beleedyo dib iga qarxay mar kale Deganada Galmudug

Faah faahino :Dagaalo beleedyo dib iga qarxay mar kale Deganada Galmudug

11
0

Dagaal xooggan ayaa shalay mar kle ka qarxay deegaanka Meersiis oo ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay ku dagaalamayaan beelo wada dega deegaankaasi.

 

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii shalay afarta qof oo xoolo dhaqato ah lagu dilay deegaanka Tuke-gaw oo ku dhow goobta uu dagaalku ka socdo.

 

 

Dadka la dilay ayaa kasoo jeeday mid kamid ah beelaha maanta dirirtu u dhexeysa

 

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, mana jirto xog rasmi ah oo laga helayo khasaaraha rasmiga ah sababo la xiriira isgaarsiinta deegaanka oo aad u liidata.

 

Sidoo kale xalay fiidkii ayaa weerar kale oo ka dhacay isla deegaanka Meersiis sababay dhimasho iyo dhaawac taas oo keentay in xiisadda ay cirka isku shareerto oo uu saaka dagaalku dib uga qarxo deegaankaasi.

 

Ma jiro faahfaahin ka soo baxay maamulka Gobolka Galgaduud iyo

Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here