Home Uncategorized Galmudug oo wali ay ka socota diwangalinta dooroshoyinka qof Iyo cod

Galmudug oo wali ay ka socota diwangalinta dooroshoyinka qof Iyo cod

7
0

Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Dowladda Galmudug, waxaa si dardar leh uga socda diiwaangelinta dadweynaha ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo cod ah ee la filayo in dalka laga qabto mustaqbalka dhow.

 

Howshan muhiimka ah ayaa ka socota goobo dhowr ah oo magaalada laga furay, iyadoo dadweynuhu ay si weyn uga qeyb-qaadanayaan, una soo baxayaan sidii ay u qaadan lahaayeen shahaadada codbixinta.

 

Shaqaalaha diiwaangelinta iyo guddiyada ku hawlan howlgalka ayaa sheegay in hawsha ay u socoto si habsami leh, iyagoo ugu baaqay shacabka reer Dhuusamareeb in ay ka faa’iideystaan fursaddan si ay door muhiim ah uga qaataan geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

 

Dadka ayaa si mug leh u muujinaya wacyi siyaasadeed iyo dareen muwaadinimo, taasoo muujineysa sida ay ugu heelan yihiin in codkoodu saameyn ku yeesho hoggaanka mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here