Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta madasha mucaaradka ee hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Sheeekh Axmed ayaa maanta kulankooda seddexaad ku yeelanaya magaalada Muqdisho.
Kulanka maanta ayaa dhinacyada waxaa ay ka wadahadlo doonaan khilaafka ka taagan nooca doorashada 2026 iyo wax ka badalka dastuurka Soomaaliya.
Natiijada kulankan ayaa si weyn isha loogu hayaa maadaama labadii kulan ee horey dhinacyada isfaham gaari waayeen
Kulankaan ayaa waxaa la filayaa in laga gaaro go’aano muhiim ah oo wax ka bedelaya habka doorashada 2026 iyo sidoo kale dhaqangelinta wax ka bedelka dastuurka.
Natiijada kulanka saddexaad ayaa si weyn isha loogu hayaa, waxaana laga filayaa in ay kasoo baxaan go’aano muhiim ah oo saameyn doona mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxaa jira walaac weyn oo ku saabsan in haddii wadahadalku uu guuldareysto, Soomaaliya ay gali karto xilli cusub oo khilaafyo siyaasadeed ah, iyadoo doorashada 2026 ay noqon karto mid aan la aqbalikarin.