HM:-Dagaal u dhexxeya beelaha Sacad iyo Saleebaan ayaa ka dhacay maantay baliga Jeexdin oo u dhexeeya Galinsoor iyo Wad.
Sida wararka hordhaca ah ay sheegayaan 2-ruux oo dhinacyada dagaalantay ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka waxaana socda dadaalo lagu hakinayo Colaadda.
Warar lagu kalsoonan karo oo ay heshay hobyomedia ayaa shegaya in an wali la helin wax waan waan ah oo lagu Kala qaboojinayo dagaaladaaasi
Xiisadaan ayaa salka ku haysa muran dhul oo taagnaa maalmihii la soodhaafay, dhowr mar ayayna maamuladda degmooyinka Cadaado iyo Galinsoor ku baxeen xal u helidda xiisaddaan.
Wixii warar ah oo ku soo kordha Kala soco hobyomedia