Home Uncategorized Faah faahino Shabab Iyo ciidanka dowlada Somalia oo Ku dagaalamay gobalka mudug.

Faah faahino Shabab Iyo ciidanka dowlada Somalia oo Ku dagaalamay gobalka mudug.

10
0

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Faarax Aadan iyo degaan kale oo dhanka qorrax u dhac kaga beegan degmada Xarardheere masaafo ahaan 10 KM, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

 

Howlgal xooggan ayaa wali socda waxaana halkaasi ku sugnaa oo la weeraray xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegayaan saraakiisha ciidanka.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu ka dambeeyay kadib markii ay ciidamada ma war heleen in Al-Shabaab isku aruursanayeen degaanka Faarax Aadan, isla markaana wadooyinka ay Miino ku aasayeen, waxaana la soo werinayaa inuu jiro khasaare xooggan oo la gaarsiiyay kooxda.

 

Sidoo kale waxaa la burburiyay fariisamo ay kooxda ku laheyd deegaanka 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here