Dagaal beeleed culus ayaa weli ka socda deegaanka Garasle ee gobolka Galgaduud, bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegeen Saraakiisha deegaanka.Dagaal Beeleed Khasaaro Geystay oo Ka Socda Deegaanka Garasle, Galgaduud
Dagaalka ayaa u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Balanballe iyo Guriceel, kuwaas oo muddooyinkii dambe isku hayay arrimo la xiriira dilal hore iyo muran ka dhashay milkiyadda dhulalka deegaanka.
Wararka laga helayo dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa ku sugan waqooyiga Galgaduud, ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada rasmiga ah ee waxyeellada.
Goobta lagu dagaalamayo ayaa ah meel aan si toos ah uga talin maamulka dowlad-goboleedka Galmudug, waxaana sidoo kale ay u dhowdahay xadka uu Galgaduud la wadaago dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, beelahan ayaa horay u dagaalamay marar kala duwan, waxaana weli la waayay xal waara ama heshiis rasmi ah oo colaadda lagu joojiyo, taasoo keentay in dagaalku dib u qarxo mar kasta.
Colaadaha sokeeye ee gobolka Galgaduud ayaa si joogto ah usoo laabtay, iyagoo sababay khasaaro naf iyo maalba leh, kuna saleysan arrimo aan wax xal ah loo helin muddo dheer.
Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dowladda federaalka ama maamulka Galmudug oo ku aaddan dagaalkan socda, iyadoo ay muuqato baahi weyn oo loo qabo in si deg-deg ah loo dhexgalo si loo joojiyo dhiigga daadanaya.