Home Uncategorized Madaxweyne xasan sheikh oo galmudug Ku soo wajahan (xog xasaasi ah)

Madaxweyne xasan sheikh oo galmudug Ku soo wajahan (xog xasaasi ah)

24
0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

 

Sida ilo xog ogaal ah ay hobyomedia U sheegeen Madaxweynaha ayaa kulamo looga hadlayo dagaalka AS, la yeelan doono Madaxda Galmudug, qeybaha bulshada iyo saraakiisha ciidanka xoogga.

 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu furo mashaariic laga hirgaliyay magaalada Dhuusamareeb, sida xarig jarka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur oo Dayactir lagu sameeyay.

 

Wafdi hore dhac u ah Madaxweynaha iyo ciidanka ilaalada ayaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin Madax ka tirsan Dowladda Federaalka.

 

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa intii hayay xilka hayay muddo xileedkan dhowr jeer safar ku tagay deegaannada Galmudug, si loo xoojiyo howlgallada ay wadaan ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here