Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb xarunta Gobolka Galgaduud ayaa maanta xarrig jaraya Xarunta Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug oo si casri ah loo dhisay.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kale xarrig jar iyo dhagax ku sameynaya mashaariic kale oo Dowlad-Goboleedka Galmudug laga hirgeliyay & kuwa kale oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa dhowaan sheegay in Dowlad-Goboleedkiisa uu ka faa’iideystay mashaariicda loogu talagalay in laga hirgeliyo sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale, waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedka Galmudug isaga oo kala hadlay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si loo dardargeliyo howlgalladaas loogana qabsan lahaa deegaannada ay weli ka joogaan Gobollada Galgaduud iyo Mudug.