Home Uncategorized Daawo :taliyaha ciidanka aslubta Somalia oo Gaalkacyo galmudug xabsi cusub ka xarig...

Daawo :taliyaha ciidanka aslubta Somalia oo Gaalkacyo galmudug xabsi cusub ka xarig jaray

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xabsiga Cusub ee Magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu dhisay qorshaha lagu horumarinayo adeegyada cadaaladda iyo xabsiyada dalka.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Galmudug, Wasiirka Amniga Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, iyo Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo, kuwaas oo dhammaantood uga mahadceliyey Taliyaha dadaalka uu ku bixiyay xoojinta shaqada ciidanka Asluubta iyo horumarinta xarumaha lagu tababaro una adeega bulshada.

Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in dhismahan cusub uu qeyb ka yahay dadaalka lagu ballaarinayo xarumaha Asluubta dalka, si loo helo goobaha casri ah ee lagu hayo maxaabiista iyo lagu tababaro saraakiisha ciidanka.

Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa tilmaamay in xabsigan uu wax weyn ka tari doono sugidda amniga, cadaaladda iyo nidaamka dowladnimada ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here