Home Uncategorized Gobalka Mudug dawooyin Iyo ambalas la,an , dhimashada oo korortay+xog muhiim ah

Gobalka Mudug dawooyin Iyo ambalas la,an , dhimashada oo korortay+xog muhiim ah

0

Kulan ka dhacay Gaalkacyo ayaa looga Hadlay Dhibaato ka dhalatay Adeegyadii caafimaad oo ka Go.ay in ka badan 15 Deegaan oo ka tirsan Gobolka mudug.

Dhibaatooyinkaan oo isugu jira daawooyin la,aan iyo adeegga aanbalaasyo lagu soo gaarsiiyo Bukaanada Gaalkacyo, ayaa la sheegay in Todobaadyadii la soo dhaafay ay u dhinteen ilaa 12 Qof oo isugu jira haween umul raacday iyo caruur Sakhiiray.

Warar kale oo Lagu kalsoonan karo oo ay heshay Hobyomedia aya tilmaamays in degano hoostaga wasil ila hobyo ay dad ugu dhinteen gurmad ka,aan kadib markii la wayay gadiidka gurmadka ee ambulance 🚑 iyo dawooyinkii deganadaasi oo yaraaday taa oo keentay in dhibaatada ay ka sii darto Degano badan oo hoosta gobalka mudug

Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen bahda Caafimadka, guddiyada haweenka gobolka iyo Degmada Gaalkacyo, ganacsato iyo masuuliyiin Kala duwan uuna shir guddoomiyey Guddoomiye Ku xugeenka degmada Gaalkacyo ee Galmudug Ayaa laysku dhiiri galiyey in ilaa xad laysku howlo Wax ka qabashada dhibaayinka adeegyada Aanbalaasyada iyo daawooyin la.aanta ka jirta Degmooyinka fogfog ee gobolka mudug, iyadoo Laga codsaday madaxda Galmudug iyo fedaraalka Gaar ahaan wasaaradaha Caafimaadka, Maalqabeennada iyo jaaliyadaha dibadda in ay kaalimahooda qaataan.

Baahiyaha ugu badan aya lagu sheegay in ay thy gadiid la,aan gaar ahaan gaariga ambalaaska oo gabi ahaanba gacan Lagu haynin taasi oo keentay dad farabadan ay dayac U dhintaan.

Wasaarada caafimadka galmudug ayaa wali waxba ka qaban baahiyaha caafimad ee ka jira gobalka mudug waxaana masuuliyintii kulanka ka qayb galay ay shegeen in maaanulka galmudug waxqabadkiiaa uu soo dhaafi la,yhy gobalka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here