Home Uncategorized Kiiskii dilkii Gaalkacyo logu geystay gabar yar oo waji cusub yeeshay+xog xasaasi...

Kiiskii dilkii Gaalkacyo logu geystay gabar yar oo waji cusub yeeshay+xog xasaasi ah

0

Maxkamadda Gobolka Mudug, qeybteeda darajada koowaad, ayaa si rasmi ah u bilowday dhagaysiga kiiska dilka naxdinta lahaa ee gaaray gabadh yar oo dhawaan lagu diley magaalada Gaalkacyo.

Kiiskaan waxaa loo haystaa haweeneydii guriga ka shaqaysan jirtay ee marxuumadda daryeeli jirtay, taas oo maalmo ka hor ay ciidamada amniga u xireen eedeymaha ka dhanka ah falka dilka ah.

Haweeneyda la eedeynayo ayaa horey baraha bulshada ku soo muqatay iyada oo tacaddi iyo jirdil ku sameynaysa marxuumadda, isla markaana uu muuqday aflagaado iyo dhibaato nafsiyeed oo ka horreysay geerida gabadha yar.

Muqaalo la baahiyay  aya muujinaya edeysanaha oo ah qof dumar  ah, isla markaana isdaafacaysa waxayna  tilmaamaysay  in aysan  dilin  marxuumada  ,inkastoo  maxkamada  la horkeenay muqaaalo muujinaya  tacadiga  ay geysatay.

Xog  ay heshay hobyomedia.com  aya sheegaya  in  ehelada labada  dhinac  ay isku  dayayan  in kiiskan  si hoose  loo  xaliyo,  balse maxkamada  iyo  laamaha amaanka  oo kiiska soo farogaliyay  aya tilmamaya  in loo baahan  yahay  helid  cadaalad madama  kiiska  markan  uu soo shaac  baxay  isla markana  bulshada soonaliyed ay aad  ula socdaan.

Maxkamadda ayaa bilowday dhagaysiga garmaqalka kiiska, waxaana la filayaa in la soo bandhigo caddeymo dheeri ah, iyadoo qoyska marxuumadda iyo bulshada reer Gaalkacyo ay si dhow ula socdaan hannaanka garsoorka ee kiiskan culus.

Maxkamaddu waxay ku wargelisay hay’adaha amniga in ay soo gudbiyaan dhammaan caddeymaha iyo markhaatiyaasha muhiimka ah si loo xaqiijiyo cadaaladda loo hayo geerida gabadha yar ee bulshada gilgishay. Kulan  kale ayaa loo balansan  yahay  waxaana la qorsheynaya  in maxkamada la horkeeno cadaymo  cusub si maxkamada ay u gaarto go,aan  kama danbeys ah. Bulshada soonaliyeed  ayaa aad uga  carrots dilkii loo gaystay  gabadha yareed,  waxaana maxkmada  laga dalbanaya  in marxuumada ay hesho  cadaalad.

W/Q : Samiir Hassan Adan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here