Musharax Madaxweyne Galmudug, Liibaan Ahmed Hassan, oo ay wehliyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Soo dhaweynta waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Galmudug, odayaasha dhaqanka, ganacsato, haween, dhalinyaro, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kale ee bulshada.
Odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaano ka tirsan JFS ayaa sheegay in bulshada gobolka Mudug ay u diyaar garooben doorashooyinka qaranka iyo kuwa Galmudugba.
Musharax Liibaan Ahmed Hassan ayaa dhankiisa sheegay in Galmudug ay u baahan tahay doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana haddii uu ku guuleysto uu hirgelin doono mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah.

















