Home Blog

Haweeneydii loo heystay dilka gabadhii yareyd ee Saabiriin oo la xukumay

0

Maxkamadda Daraja koowaad ee magaalada Galkacyo ayaa xukun dil ah ku xukuntay eedeysane Hodan Maxamuud Diiriye, oo loo heystay dilka Saabiriin Seylaan Cabdullaahi oo dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Seygeeda ayaa Cabdicasiiis Nuur Xaashi ayaa isna lagu xukumay hal sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 500 oo doolar.

Meydka Saabiriin ayaan weli la aasin oo talaagada ku jira.

Daawo Musharax Madaxweyne Galmudug, Liibaan Ahmed oo Gaalkacyo soo gaaray

0

Musharax Madaxweyne Galmudug, Liibaan Ahmed Hassan, oo ay wehliyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Soo dhaweynta waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Galmudug, odayaasha dhaqanka, ganacsato, haween, dhalinyaro, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kale ee bulshada.

Odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaano ka tirsan JFS ayaa sheegay in bulshada gobolka Mudug ay u diyaar garooben doorashooyinka qaranka iyo kuwa Galmudugba.

Musharax Liibaan Ahmed Hassan ayaa dhankiisa sheegay in Galmudug ay u baahan tahay doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana haddii uu ku guuleysto uu hirgelin doono mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah.

Daawo Gudomiyaha guddiga doorashooyinka Somalia oo Gaalkacyo soo gaaray

0

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka cabdikariin axmed xasan ayaa  soo gaaray magalada Gaalkacyo ,waxaana garoonka Gaalkacyo Ku soo dhaweyay masuliyiinta maamulka Gobolka kan degmada Gaalkacyo iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan Gaalkacyo .

Wafdiga  ayaa marki Gaalkacyo  ay yimaden kulamo  kale  duwan  la yeeshay  masuuliyinta Galmudug,  odoyaasha  deganka iyo sidoo kale bulshada  rayid  ka ah

Wafdiga inta  ay jooogan  Gaalkacyo  aya la qorsheynaya in kulamo  kale  ay la yeeshaan  dhinacyada  kala  duwan  ee bulshada magaalada Gaalkacyo.

 

Kiiskii dilkii Gaalkacyo logu geystay gabar yar oo waji cusub yeeshay+xog xasaasi ah

0

Maxkamadda Gobolka Mudug, qeybteeda darajada koowaad, ayaa si rasmi ah u bilowday dhagaysiga kiiska dilka naxdinta lahaa ee gaaray gabadh yar oo dhawaan lagu diley magaalada Gaalkacyo.

Kiiskaan waxaa loo haystaa haweeneydii guriga ka shaqaysan jirtay ee marxuumadda daryeeli jirtay, taas oo maalmo ka hor ay ciidamada amniga u xireen eedeymaha ka dhanka ah falka dilka ah.

Haweeneyda la eedeynayo ayaa horey baraha bulshada ku soo muqatay iyada oo tacaddi iyo jirdil ku sameynaysa marxuumadda, isla markaana uu muuqday aflagaado iyo dhibaato nafsiyeed oo ka horreysay geerida gabadha yar.

Muqaalo la baahiyay  aya muujinaya edeysanaha oo ah qof dumar  ah, isla markaana isdaafacaysa waxayna  tilmaamaysay  in aysan  dilin  marxuumada  ,inkastoo  maxkamada  la horkeenay muqaaalo muujinaya  tacadiga  ay geysatay.

Xog  ay heshay hobyomedia.com  aya sheegaya  in  ehelada labada  dhinac  ay isku  dayayan  in kiiskan  si hoose  loo  xaliyo,  balse maxkamada  iyo  laamaha amaanka  oo kiiska soo farogaliyay  aya tilmamaya  in loo baahan  yahay  helid  cadaalad madama  kiiska  markan  uu soo shaac  baxay  isla markana  bulshada soonaliyed ay aad  ula socdaan.

Maxkamadda ayaa bilowday dhagaysiga garmaqalka kiiska, waxaana la filayaa in la soo bandhigo caddeymo dheeri ah, iyadoo qoyska marxuumadda iyo bulshada reer Gaalkacyo ay si dhow ula socdaan hannaanka garsoorka ee kiiskan culus.

Maxkamaddu waxay ku wargelisay hay’adaha amniga in ay soo gudbiyaan dhammaan caddeymaha iyo markhaatiyaasha muhiimka ah si loo xaqiijiyo cadaaladda loo hayo geerida gabadha yar ee bulshada gilgishay. Kulan  kale ayaa loo balansan  yahay  waxaana la qorsheynaya  in maxkamada la horkeeno cadaymo  cusub si maxkamada ay u gaarto go,aan  kama danbeys ah. Bulshada soonaliyeed  ayaa aad uga  carrots dilkii loo gaystay  gabadha yareed,  waxaana maxkmada  laga dalbanaya  in marxuumada ay hesho  cadaalad.

W/Q : Samiir Hassan Adan

Galmudug:Edeysane laga xukumay dil toogasho,(warar cusub)

0

Wararkiii ugu danbeyay ee hobyomedia.com ay ka helayso deganada Galmudug ayaa waxa ayshegayaan in maxkamada galgaduud ay ku dhawaaqday xukun toogasho ah kadib markii maxkamada ay fadhiisatay kulamo kala duwan

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta ku dhawaaqday xukun dil toogasho ah oo lagu riday eedeysane Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye , kaasi oo lagu helay dambiga dilka bareerka ah ee uu u geystay Marxuum Deeq Cabdi Jaamac, kaas oo lagu toogtay gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Deganada Galmudug gaar ahaab galgaduud waxa ku  soo  badanayay dilal kala duwan waxaana maxkamada ay ku dhawaaqday in tilaabo laga qadayo cid walba oo xadgudubta

Daawo : Heshiiskii Beelaha Walaalaha ah ee Sacad iyo Qubeys oo la Dhamaystiray

0

Beelaha Walaalaha ah ee Sacad iyo Qubeys oo Maantay Dhamaystiray Heshiiskii Degaanka Dhaghaye.

Masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa ka qeyb galay Gunaanadkii shirka Nabadaynta Beelaha walaalaha ah ee Sacad iyo Qubeys

Shirkaan oo ka dhacay Deegaanka Dhaghaye ee koonfurta Gobolkaan Mudug ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb ahaa Odayaasha dhaqanka Beelaha ehelkaa iyo maamulada Wisil ,Bajeela iyo Laas-gacameey

Gunaanadka shirkaan Nabadaynta ah ayaa ahaa mid mudodaysnaa oo xal waara looga gaaray dhul-qaadsimeed beelahaan horay iskugu qabsadeen iyo Hanti ay isku sheeganayeen oo gubatay Qulqulatooyinkii xiisaddu sababtay.

Horey labada dhinac ayaa uga heshiiyay Dhul daaqsimeedka, maantayna waxay dhameystireen oo kala qaateen Hantidii ku burburtay Xiisaddaasi oo Labada dhinac isku sheegteen lacag kor u dhaafaysa $30K oo dolar.

Farmaajo oo dalka 3sano kadib,dib ugu soo laabta,Iyo kulamo xasaasi ah oo socda

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib muddo saddex sano ka badan oo uu ku sugnaa dalka Qatar.

Farmaajo ayaa la xaqiijiyay in uu diiday in si rasmi ah loogu soo dhaweeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isagoo doorbiday in uu si toos ah ugu laabto hoygiisa magaalada Muqdisho. Taageerayaashiisa iyo siyaasiyiin ku dhow ayaa halkaas ku qaabilay.

Soo laabashadiisa ayaa imaneysa iyadoo uu dhowaan ku sugnaa dalka Turkiga, halkaas oo uu kulamo siyaasadeed kula yeeshay kooxdiisa iyo siyaasiyiin kala duwan.

Dib u imaanshaha Farmaajo ayaa loo arkaa mid calaamad u ah bilowga olole cusub oo uu kaga qaybgalayo isbeddellada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan diyaarinta doorashooyinka la filayo.

Waxaa la filayaa inuu Muqdisho ka bilaabo kulamo wadatashi iyo siyaasadeed uu la yeelan doono madax mucaarad ah, xildhibaano iyo aqoonyahanno taageersan aragtidiisa siyaasadeed.

Imaanshihiisa ayaa si dhow loogu eegayaa saameynta ay ku yeelan karto xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiriirka uu la yeelan doono Villa Soomaaliya, iyo sida ay arrintaasi u beddeli karto miisaanka mucaaradka.

Soo laabashada Farmaajo waxay ku soo beegan tahay xilli uu isa soo tarayo isbaheysiga uu hoggaaminayo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo xiriir dhow la leh Farmaajo, taasoo sare u qaadeysa xiisadda iyo tartanka siyaasadeed ee dalka.

Faah faahino Dagaalo culus oo mar kale dib uga qarxay galmudug

0

Ciidamado katirsan Macawiisleyda deegaanka ah ee Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa weerar ku qaaday xubno katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanno hoostaga Degmadaas.

Sida ay sheegeen ilo kala duwan, ciidanka Macawiisleyda oo helay xogta xubnaha katirsan Al-Shabaab ayaa weerar isku waqti dhacay ku qaaday deegaannada kala ah Cali Yabaal, Uubad & Xirsi Cilmi oo dhammaan hoostaga Degmo xeebeedka Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Cabdulqaadir Cali Bugle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Deegaanka ah ee Macawiisleyda ayaa Warbaahinta u sheegay in khasaara xooggan ay gaarsiiyeen xubnaha katirsan Al-Shabaab ee duullaanka ku qaadeen sida uu hadalka u dhigay.

Bugle ayaa intaas ku daray in ciidamadooda oo badqaba ay dib ugu laabteen goobihii ay ka duullaan tageen, ujeedka howlgalkooda ayuu ku sifeeyay in ay kahortagayeen abaabul ay wadeen Al-Shabaab sida uu warka u dhigay.

Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa ka socda abaabulka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay si wadajir ah u wadaan Ciidanka Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas & kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda ah.

Xafiiska wararka cadaado 

Gobalka Mudug dawooyin Iyo ambalas la,an , dhimashada oo korortay+xog muhiim ah

0

Kulan ka dhacay Gaalkacyo ayaa looga Hadlay Dhibaato ka dhalatay Adeegyadii caafimaad oo ka Go.ay in ka badan 15 Deegaan oo ka tirsan Gobolka mudug.

Dhibaatooyinkaan oo isugu jira daawooyin la,aan iyo adeegga aanbalaasyo lagu soo gaarsiiyo Bukaanada Gaalkacyo, ayaa la sheegay in Todobaadyadii la soo dhaafay ay u dhinteen ilaa 12 Qof oo isugu jira haween umul raacday iyo caruur Sakhiiray.

Warar kale oo Lagu kalsoonan karo oo ay heshay Hobyomedia aya tilmaamays in degano hoostaga wasil ila hobyo ay dad ugu dhinteen gurmad ka,aan kadib markii la wayay gadiidka gurmadka ee ambulance 🚑 iyo dawooyinkii deganadaasi oo yaraaday taa oo keentay in dhibaatada ay ka sii darto Degano badan oo hoosta gobalka mudug

Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen bahda Caafimadka, guddiyada haweenka gobolka iyo Degmada Gaalkacyo, ganacsato iyo masuuliyiin Kala duwan uuna shir guddoomiyey Guddoomiye Ku xugeenka degmada Gaalkacyo ee Galmudug Ayaa laysku dhiiri galiyey in ilaa xad laysku howlo Wax ka qabashada dhibaayinka adeegyada Aanbalaasyada iyo daawooyin la.aanta ka jirta Degmooyinka fogfog ee gobolka mudug, iyadoo Laga codsaday madaxda Galmudug iyo fedaraalka Gaar ahaan wasaaradaha Caafimaadka, Maalqabeennada iyo jaaliyadaha dibadda in ay kaalimahooda qaataan.

Baahiyaha ugu badan aya lagu sheegay in ay thy gadiid la,aan gaar ahaan gaariga ambalaaska oo gabi ahaanba gacan Lagu haynin taasi oo keentay dad farabadan ay dayac U dhintaan.

Wasaarada caafimadka galmudug ayaa wali waxba ka qaban baahiyaha caafimad ee ka jira gobalka mudug waxaana masuuliyintii kulanka ka qayb galay ay shegeen in maaanulka galmudug waxqabadkiiaa uu soo dhaafi la,yhy gobalka Galgaduud.

Daawo :taliyaha ciidanka aslubta Somalia oo Gaalkacyo galmudug xabsi cusub ka xarig jaray

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xabsiga Cusub ee Magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu dhisay qorshaha lagu horumarinayo adeegyada cadaaladda iyo xabsiyada dalka.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Galmudug, Wasiirka Amniga Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, iyo Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo, kuwaas oo dhammaantood uga mahadceliyey Taliyaha dadaalka uu ku bixiyay xoojinta shaqada ciidanka Asluubta iyo horumarinta xarumaha lagu tababaro una adeega bulshada.

Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in dhismahan cusub uu qeyb ka yahay dadaalka lagu ballaarinayo xarumaha Asluubta dalka, si loo helo goobaha casri ah ee lagu hayo maxaabiista iyo lagu tababaro saraakiisha ciidanka.

Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa tilmaamay in xabsigan uu wax weyn ka tari doono sugidda amniga, cadaaladda iyo nidaamka dowladnimada ee Galmudug.

Daawo Sawiro: Musharax Xildhibaan Galmudug Abdiaziiz Farah (Nuska) oo la kulmay odoyaasha beesha reer barqadle

0

Musharax Xildhibaan Dowladda Galmudug Abdiaziiz Farah Aden (Nuska) ayaa maanta magalada Muqdisho kulan qado sharaf ah ugu sameeyey Nabadoonada Beesha Rer Barqadle ,kuwas uu hogaaminayey Nabadoonka Guud ee Beesha Rer Barqadle Nabadon Cabdi Jaamac Nuur Saalax (Aframal) iyo qaarkale oo kamid ah dhaqanka Beesha Reer Barqadle.

Nabadoonada iyo Musharax aya Isla meel dhigay taageero guud iyo in la garab istasgo Musharaxa,waxaana intii kulanka socday Lagu soo hadal qaaday sidii wax badan looga qabn lha Deganada ay beeshu dagto.

Musharaxa Ayaa odoyaasha beesha uga mahad celiyay taagerada iyo garab istaaga loo sameyay,waxaana uu balan qaaday in uu bulshada si siman uu ugu shaqeeyo.

Hobyomedia xafiiska warqabadka muqdisho 

 

Daawo sawirada:Musharax madaxweynaha galmudug liiban oo la kulmay odoyaasha mareexaan

0

Musharax Madaxweyne Liiban Axmed Xasan ayaa Magaalada Muqdisho  kula kulmay odoyaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha mareexan waxaana laga wada hadlay arimo farabadan

Kulan qaddo Sharaf ahaa uuna U sameeyey Xildhibaanada iyo Siyaasinta Heer Feedaraal ee ka soo jeeda Beesha Mareexaan, Iyadoona Kulanka ay qeyb ka ahaayeen Xildhibaanada Beesha Sacad iyo Siyaasiin kale oo Kulanka lagu Casuumey.

Kulanka ayaa isugu jirey Isxog-wareysi, Taageero iyo Garab istaag Loogu Sameyo musharax Liibaan Axmed Xasan.

Musharax Madaxweyne Galmudug Liibaan Axmed Xasan Ayaa Xusey in Muuhiim ay tahay iskaashi iyo wadajirka dadka ka soo jeeda Labada Beelood Ee Sacad iyo Mareexaan iyo guud ahaan beelaha ku midaysan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Hobyomedia xafiiska warqabadka muqdisho

Daawo sawirada: Odoyaasha gaallkacyo ee galmudug oo sagootiyay 𝐂𝐨𝐥. 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐗𝐢𝐫𝐬𝐢 𝐒𝐚𝐡𝐚𝐥 Taliyihii saldhiga Galkacyo

0

Kulan sharafeed ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mida Odoyaasha iyo Dhalinyarada Magaalada Gaalkacyo isla markaana Xambaarsanayd Mahadcelin iyo Sagootinta Taliyihii Hore ee Saldhigga Degmada Gaalkacyo 𝐂𝐨𝐥. 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐗𝐢𝐫𝐬𝐢 𝐒𝐚𝐡𝐚𝐥 ayaa maantay lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo.

Dhamaan odoyaasha iyo Dhalinyaradii ka hadashay kulanka ayaa tilmaamay Doorkii muhiimka ahaa ee nabadda iyo Xasiloonida gobolka uu kasoo qaatay 𝐂𝐨𝐥. 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐗𝐢𝐫𝐬𝐢 𝐒𝐚𝐡𝐚𝐥 intii uu yahay taliyaha Saldhigga Degmada Gaalkacyo, iyo sidii xil kasnimada lahayd ee uu isugu waday bulshada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka.

𝐂𝐨𝐥. 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐗𝐢𝐫𝐬𝐢 𝐒𝐚𝐡𝐚𝐥 Taliyihii hore ee Saldhigga Degmada Gaalkacyo oo kulanka gunaanadkiisi ka hadlay ayaa odoyaasha iyo Dhalinyarada uga mahadceliyay sidii ay ula soo shaqeeyeen intii uu xafiiska joogay iyo doorkii ay ku lahaayeen Xasiloonida Magaalada..

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo mar kale mudeeysay dhageysiga kiiskii dilka hooyo iyo saddex gabdhood

0

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa mar kale mudeeysay dhageysiga dacwaddii ciqaabta ee loo haysto saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay dilka hooyo iyo saddexdeeda gabdhood, kuwaas oo lagu dilay deegaanka Qaayiib ee gobolka Galgaduud, 9-kii Oktoobar 2025.

Eedeysanayaasha lagu magacaabo Cabdi Cusmaan Cabdullaahi, Ayuub Maxamed Cabdi, iyo Galad Axmed Xuseen ayaa lagu eedeeyay in ay si arxan darro ah u dileen hooyo Safiya Daahir Welhiye iyo saddex carruurteeda ah, falkaas oo gilgilay bulshada deegaanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dhageysiga kiiskan la qaban doono maalinta Arbacada 12-ka Nofeembar 2025, saacadda 09:00 subaxnimo, iyadoo amartay in la keeno eedeysanayaasha si ay uga soo qayb galaan fadhiga dacwadda.

Sidoo kale, Maxkamaddu waxay farriin u dirtay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee DGGM iyo qareennada difaacaya eedeysanayaasha, si ay u hubiyaan joogitaanka maxkamadda waqtigaas la cayimay.

Kiiskan ayaa ka mid noqday kiisaska ugu culus ee dhawaanahan la horkeeno maxkamadaha Galmudug, waxaana bulshada deegaanku si dhow isha ugu hayaan go’aanka ay Maxkamadda Racfaanka kasoo saari doonto dhageysigan soo socda.

Daawo sawirada:Dhismaha isbitaalka degmada Wasil oo gaban gabo maraya

0

Waxaa meel gaban gabo ah maraya isbitaalka Degmada Wisil oo dhamaystirka dhismihiisa ay balanqaaday Xildhibaan Qaali Cali Shire, islamarkaana uu gacanta ku hayo Ganacsade Cabdulahi Cabdi qooreey, kaas oo wakiil ka ah Xildhibaan Qaali.

 

Masuulka ganta ku haya dhismaha isbitaalka ayaa Saakay kormeer ku tagay dhismaha oo maraya meel gaban gabaa isbitaalka ayaa la rajeynaa inuu asbuucyada soo socda dhamaystirmo.

 

Shacabka ku nool Degmada Wisil iyo nawaaxigeedaayaa baahiwayn u qabay dhamaystirka isbitaalkaan dhanka kale Degmada Wisil ayaa ka mid ah meelaha uu ka socdo ladagalanka khawaarijta waxuuna isbitaalkaan qayb ka qadan doonaa baahida cafimaad ee ciidamada Qalabka sida ee dagaalka kula jira khawaarijta

.Halkan Hoose ka Daawo Sawirada

 

 

Daawo sawirada Galgaduud masjid la gubay kadib khilaf dhaxmaray culimada degaanka

0

Wararka Laga Helayo Deegaanka Huurshe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in La’burburiyay oo dab la qabdsiiyay Mid ka mid ah masaajidda Deegaankaas,

Wararka ayaa tibaaxaya in burburinta masjidka ay ka danbeysay muran udhexeeya Culimada deegaanka.

Maamulka Deeganka Huurshe ayaan wali ka hadlin dhacdadan oo ah mid ku cusub burburinta Goobaha Cibaadada.

Galgaduud wayahan waxaa ka soo ifbaxayay arinta Ku saabsan khilaaf U dhaxeeya culimada degankaasi.

Wixii soo kordha lasoco Hobyomedia 

 

Trump oo soo today arin culays ku ah dadka dalbanaya viisaha mareykanka

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar fulin ah oo $100,000 (£74,000) ku kordhin doona khidmad sanadeedka codsadayaasha barnaamijka fiisaha H-1B ee shaqaalaha ajnabiga ah ee xirfadda leh.

 

Amarka Trump wuxuu xusayaa “ku-takri-falka” barnaamijka wuxuuna xaddidi doonaa gelitaanka haddii aan lacag la bixin.

 

Dadka dhaleeceeya waxay muddo dheer ku doodayeen in H-1Bs uu hoos u dhigay tirada shaqaalaha Mareykanka, halka taageerayaasha – oo uu ku jiro bilyaneerka Elon Musk – ay ku doodayaan inay u oggolaaneyso Mareykanka inuu soo jiito kuwa tayada sare leh ee adduunka.

 

Amarka kale, Trump wuxuu dejiyay “kaarka dahabka” cusub si loo dedejiyo fiisaha muhaajiriinta qaarkood si loogu beddelo khidmadaha ka bilaabmaya £ 1m.

 

Amarka Trump ayaa la filayaa inuu dhaqan galo 21ka Sebtembar. Waxa kaliya oo lagu dabaqi karaa codsiyada cusub, laakiin shirkaduhu waa inay bixiyaan lacag isku mid ah codsade kasta muddo lix sano ah, Xoghayaha Ganacsiga ee Maraykanka Howard Lutnick ayaa sidaa yiri.

Ceel dheer dagaalo culus oo halkasi maanta la socday wararkii ugu danbeyay.

0

Ceeldheer__Dagaalo ilaa saddex jeer la isku laabtay ayaa saakay ka dhacay degmada Ceeldheer ee Bariga Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwo deegaanka ah iyo kooxda Khawaarijta.

 

Kooxda Khawaarijta ayaa dhowr jiho ka weerartay magaalada, waxayna Ciidamadu jabiyeen labo ka mida weerarka lagu soo qaaday, iyadoo wali uu socdo dagaalka oo kasocdo Daafaha Magalaada Ceeldheer.

 

Gurmadyo kala duwan ayaa ku baxay dagaalka ka socda Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha lamaha amaanka oo Hobyomedia ay qadka telefanka kula xariirtay wali wax faah faahino dheerad ah naga siin.

 

Dadka deganka ayaa Hobyomedia U xaqijiyay in wali ay maqlayaan dhawaqa. Rasaas culus waxaana jira qasaarooyin kala duwan balse xogta oo faah faahsan waxa la. Heli kara markii xaaalada ay dagto.

 

Isha Ku haaY markasta Hobyomedia hadii ad U bahan tahay warar dheerad ah 

Odoyaasha beesha rer nimcale sacad ee galmudug oo diiday doorashada galkacyo ee qof Iyo cod

0

Daawo.odoyaasha beesha reer nimcaale sacad ee galmudug ayaa ka soo horjestay gudiga gacanta Ku haya doorashooynka qof iyo cod iyagona shegay in maaanulka gobalka mudug uu Ku takri fulayo awoodisa isago cid gaar ah U eexanaya

Odoyaasha waxa ay Ku baaqeen in la wada arko qaabka ay wax U wadaan maamulka gobalka mudug ee galmudug

Halkan hoose riix sawirka si muuqalqda ad U fiirsato

 

 

 

Weerar dad lagu laayay oo ka dhacay gaallkacyo

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada gaallkacyo ee xarunta gobalka mudug Aya waxa ay shegayan in mahalada gaallkacyo uu ka dhacay weerar ay gaysten maleshiyad hubaysan kuwaasi oo ka soo jeda deganada maamulka puntand.

 

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay meel xoga baxsan magaalda taa oo Lagu magacaabo buulo bacley  iyadoona sida la shegay wearkaasi ay fuliyen maleshiyo beleedyo ka soo jeeda maamulka puntand.

 

Inta la xaqiijiyay weerarka Hal qof Aya Ku dhintay 2 kalena way kudhawcmeen waxana dhawaca shaqsiygaasi la geyay mid ka mida isbitaalada magaalada gaallkacyo.

 

Saraakiisha lamaha amaanka galmudug ee gaallkacgaallkacyoyo oo Hobyomedia ay xiriir la sameysay wali wax faah faahin ah kama bixin iyadona magalada laga daremayo cabsi ah in arintan ay sii balaarato.

 

Maalmihi U danbeyay magaalada gaallkacyo ee galmudug waxa ka socday dilal iyo afduub taa oo inta badan ay geysanayen maleshiyaad ka soo jeda maamulka puntand.

 

Wixii warar ah kala soco Hobyomedia

DHUSAMAREB, UN SIGNS AGREEMENT FOR ESTABLISHMENT OF OFFICE IN GALMUDUG

0

DHUSAMAREB, UN SIGNS AGREEMENT FOR ESTABLISHMENT OF OFFICE IN GALMUDUG


United Nations support for Somalia is set to step up a notch following an agreement which paves the way for the establishment of a new office in the country’s Federal Member State (FMS) of Galmudug.

 

The FMS’ President Ahmed Abdi Karie ‘Qoorqoor’ and the UN Secretary-General’s Deputy Special Representative for Somalia, Anita Kiki Gbeho, today signed a lease agreement for land at the Hero Drogo camp site in Dhusamareb, on which the new UN field office will be located.

 

“I thank President QoorQoor for his perseverance, his patience and his support to the United Nations in identifying this location,” Ms. Gbeho said in a joint press encounter with the FMS’ leader at Galmudug’s state house.

 

“Once the office is completed, it will provide a platform for the United Nations family, and other international partners, to support Galmudug in developing its institutions and delivering services in an inclusive manner to its people, including in recently-recovered areas,” added Ms. Gbeho, who also serves as the Officer-in-Charge of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM).

 

“The United Nations believes in Somalia’s vision of a peaceful and a prosperous nation,” the senior UN official noted, “we therefore look forward to establishing a physical presence in Galmudug and deepening our cooperation with and support to the people and the government of Galmudug.”

 

Currently, the United Nations family in Somalia has been supporting Galmudug remotely and through regular visits. In her remarks, Ms. Gbeho said the world body will continue to ensure its regular engagement and support pending the new office’s opening.

 

Accompanied by electoral and political affairs experts, Ms. Gbeho also discussed a range of issues with the president and members of his cabinet, including cooperation between the United Nations and the Galmudug government in areas such as elections, policing, stabilization, human rights and more.

 

“We had the opportunity to touch base on several other important issues, including the ongoing drought that has brought hardship to the people of Galmudug, the military offensive against Al-Shabaab and the need for continued focus on Somalia’s state-building agenda,” Ms. Gbeho said.

 

While in Dhusamareb, the Deputy Special Representative visited the site for the new office before taking part in a signing ceremony for the land agreement with President QoorQoor.

 

Currently, the UN has similar offices in the country’s four other Federal Member States: Jubaland, South West State, Hirshabelle and Puntland

Xogta dhalinyarada gaallkacyo ka tanriibaysa oo korartay

0

Magaalada gaallkacyo ee xarunta gobalka mudug waxa Ku soo badanaya dhalinyarada halkaasi ka tanriibaysa waxaana arintan ay sameyn Iyo hadal hayn wayn ka dhalisay bulshada magaalada gaallkacyo

 

Arintan ayaa loo sababeynayaa kadih markii Gaalkacyo Nolosheeda ay qaali noqotay ,Sidoo kala shaqa la’aan xoogan ay saameysay dhalinyaradii dhameysay heerar kala duwan waxbarshada

, fadhiyada dhalinyarada waxa ugu badan laga wada haayo ayaa ah Sida dhalinyarada ay uga tahriibi lahaahyen magaalda gaallkacyo madama shaqo la,aan Iyo nolashii magaalda ay Si Wayn isku badashay.

 

Gaalkacyo ayaa bilihii u dambeysay waxaa ka tahriibay dhalinyaro badan kuwasi oo hadda qaarkood galay yurub Halka kuwa kalan ay ku dhibaateysan yihin liipiya.

 

Sidoo kala dhalinyaro badan ayaa hadda isku diyaarinaya iney ka tagaan Gaalkacyo islamrkana ay raadsadaan nolol dhaanta mida ay hadda Ku noolyihiin,dhalinyarada baxeysa ayaa qaarkood ka dhuumanaya waalidiintooda kuwasi oo wal wal kala ku aburaya waalidintooda .

 

Xogta guud Sababta dhalinyarada ay u tagayaan.

 

Dhalinyarada ayaa sheegaya iney sabab u tahay in dalka ka baxaan maamulkii oo an u aheyn shaqa abuur Sidoo kalane shaqa qoristane ay noqotay mid aan cadaalad waafaqsaneyn. .

 

Sidoo kala shacabka oo dhalinyaro u badan waa shaqo-la’aan, suuqyadii oo dhaq dhaqaaq jirin , lacagihii wareegi jiray oo kooxo gaar ay gacanta ku dhigeen,

Warbaahinta hobyomedia oo qaar ka mid dhalinyaradaasi la badashay aya waxa ay rjao xumo Iyo quus ka muujiyeej nolashada magaalada madama ganacsigii Iyo shaqooyinkii intooda badan ay dad qaas ah ay gacanta U gashay

Ma jirto wax wacyigalin ah oo ka socda Gaalkacyo oo ku aadan sidi dhalinyaro ay u sii joogi laheyeen deegaankooda loogana joojin lahaa tahriibka,waxaana arintaan hadii ay sii socoto la arki doontaa dhalinyaradii oo deegaanka faarujisa iyo madaxda Galmudug oo weysa cid ay maamulaan.

 

Maxey arintaan ugu aamusan yihiin maamulka Gobolka kan degmada mise raali ayeey ka yihiin in dhalinyarada deegaanka ay ka tagaan islamarkana qatar ay galiyaan noloshooda.

 

Isha Ku haaY markasta hobyomedia.com

Deg Deg maleshiyo beleedyo hubaysan oo haweney Ku dilay Degan hoos taga Galmudug.

0

Wararkii ugu danbeyay ee Ku soo dhacda xafiiska warqabadka Hobyomedia ee gaallkacyo ayaa sheegay in weerar Lagu dilay: haweney uu ka dhacay  Deegaanka Inajiirow oo udhaxeya cadaado iyo Cabudwaaq 

 

Barqanimadii Saaka ayaa lagu soo waramayaa in gabar geel goobeysay lagu dilay deegaanka Inajiirow, oo udhaxeeya magaaloyinka cadaado iyo Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

 

Marxuumadda la dilay ayaa kasoo jeeday magaalada Cadaado, halka ragga falka gaystay ay kasoo jeedeen magaalada Cabudwaaq, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Odoyaasha deganka oo goordhaw la hadlay xarunta Hobyomedia ee dhuusamareeb ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo lagu qaboojinayo xiisad waxana ay shegeen in xiriryo Kala duwan ay sameeyen ay la hadleen odoyaasha Dhaqanka labada dhinac.

Saraakiisha lamaha amaanka oo sidoo kale aan la xiriiray Aya sheegay in ay hayaan xogta arintan balse ay wadaan baaritaano 

Arintan ayaa waxa ay salka Ku haysa aanoyin qabiilada oo Dhawan Deganada maamul gobaleedka galmudug Ku soo badanayay

Wixi warar ah oo Ku soo kordha Kala soco Hobyomedia 

Madaxweyne qoor qoor oo xil wasiir U magacabay Xirsi Yusuf Bare+Aqriso

0

Warqad ka soo baxday xafiiska madaxweynaha galmudug qoor qoor ayaa Lagu mgcy xilal Kala duwan waxaana nuqul ka mid xubnaha la magacabay ka mid ahaa xirsi Yusuf bare oo horey gaallkacyo xilal uga soo qabtay

 

Madaxweyne qoor qoor ayaa isku dayaya in uu hagaajiyo xiririrka kala dhaxeeya odoyaasha beesha sacad ee galmudug kadib markii tabashada maakulkiisa ay soo badanayay .

Arintan waxa ay Ku soo beegantay xili Dhawan magalada muqdisho ay ka socdeen kulamo ay wadeen odoyaal ka soo jeeda galmudugoo  ay Ku Shirayeen  muqdisho kuwaasi oo tabasho ka ahaa maakulka madaxweyne qoor qoor.

m

Wixii warar ah oo ku soo kordha Kala soco Hobyomedia

War Deg deg ah: malshiyad ka so jeda goldogob oo weerar shacab lagu layay soo qaday

0

Wararkii U danbeyay ee ay hdlayso warbaahinta hobyomedia ayaa waxa ay shegayan in kooxo maleshiyaad ah oo ka soo jeda deganka goldogob ee puntand ay weerar ka geysteen degan dhaw higla ceele halkasi oo qof shacab ah ay Ku dileen

Nin xoolo dhaqato ah oo kasoojeeda Dhanka Galmudug ayaa goordhow lagudilay deeganka udhow Higla Ceele ee galbedka gobalka Mudug dilkaan waxaa geystay maleeshiyaad kasoo jeeda Goldogob.

muddooyinkii ugu dambeyey waxaa daganayd xaalada deeganada Galbeedka gobalka Mudug iyadoona horay loogaaray heshiisyo waxaana hadda muuqaata  saan saan aan wanagsaneen kadib markii weerarkasi uu maanta dhacay

Dadka deganka higla ceele oo saaka la  hadlay xarunta warqabadka hobyomedia ee gaallkacyo ayaa sheegay in degankaasi Iyo Deganada U dhaw dhaw ay ka jiraan xiisad colaadeed iyadoona dadka reer miyiga ee galmudug ay wali ka cabsi  qabaan in kooxdii weerarka geesatay ay mar kale weerar kale soo qaadano.

Warbaahinta hobyomedia ayaa isku day xiriiro ah la sameysay masuuliyin ka tirsan labada dhinac balse wax war ah lagama helin.

Wixii warar ah oo Ku soo kordha Kala soco hobyomedia.com

Farmaajo oo dalbaday in la sii daayo Nabadoon Xaadoole oo ay xireen Booliska dowlada somalia

0

Qoraalka uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu si adag u cambaareeyay xarigga iyo tacaddiga loo geystay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud (Xaadoole).

 

“Nabaddoon Xaadoole oo u kacay difaaca dadka nugul ee la barakiciyey ee ku dhaqan Muqdisho, waxa loo xiray in laga hortago guuxa dadweynaha iyo dadaalka waxgaradka ee ka dhanka ah ku takri-falka hantida danta guud. Arrinkani waxa uu muujinaya in laamaha amniga loo adeegsanayo dano shakhsiyadeed oo gurracan.” ayuu ku yiri qoraalka.

 

 

Wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu degdeg u sii daayo Nabaddoon Xaadoole.

 

Sidoo kale, wuxuu ka digay in cabashooyinka shacabka lagu wajaho xarig iyo caburin.

 

“Madaxweynaha waxaan ku adkeynayaa in degdeg loo sii daayo Nabaddoon Xaadoole, lagana waantoobo in cabashada iyo codka dadweynaha lagu wajoho caburin iyo xarig, taas oo dhaawacaysa dowladnimada iyo kalsoonida shacabka keeni kartana kacdoon khalkhal galiya xasiloonida dalka.” ayaa sii raaciyay qoraalka.

 

 

 

Deg deg ciidanka daraawishta galmudug oo wear culus Ku waday Al-Shabaab Ku sugna mudug

0

Ciidamada Deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa caawa salaaddii Maqrib kadib qaaday weerar culus oo ku wajahan fariisimihii argagixisada ee magaalada Qeycad, oo ku taalla koonfurta gobolka Mudug.

 

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday xaruntii ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka argagixisada, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaraar oo socday ku dhowaad saacad.

Ilaa.hada lama xaqiijin karo qasaaraha weerarkaasi balse sarakiil ka tirsan lamaha amaanka galmudug gaar ahaan Ciidamada daraawishta galmudug ayaa hobyomedia U xaqijiyay in hawulgalkaasi maleeshiyaadka Al-Shabaab Lagu gaarsiiyay jab xoogan

Dhawan ayay ahayd markii Ciidamada daraawishta galmudug ay Heleen xog waraysi ku. Adan in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isku aruursanayeen degano good taga gobalka mudug kuwaasi oo  ka soo cararay gobalka galgaduud 

 

Wixi warar ah oo Ku soo kordha Kala soco hobyomedia 

 

 

Xogta qaabka Lagu doorway saadaq joon oo xildhiban noqday

0

Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP#248 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho goordhow ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

Doorashada ayaa ku dhacday si habsami leh, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen guddiga doorashooyinka, masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo wakiillo kale oo ka socday hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka ah.

Kursigan ayaa kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadiisu tahay Galmudug, si loo dhammaystiro xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dagaalo culus oo ka dhacday garoowe Iyo wararkii U danbeyay

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan uu dagaal culus uu ku dhexmaray duleedka Bari ee magaalada Garoowe ee Gobolkaasi.

 

Dagaalka ayaa waxaa uu si gaar ah ugu dhacay agagaarka Beerta 22-aad ee Magaalada Garoowe, sida ay sheegayaan dad Goobjoogayaal ah.

 

 

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen kadib israsaaseyn dhexmartay maleeshiyaad hubaysan.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu Salka ku hayay muran dhuleed oo u dhexeeyay koox hubeysan.

 

Ciidamada ammaanka ayaa la soo werinayaa inay tageen goobta uu dagaalka ku dhexmaray maleeshiyaadka hubeysan.

 

Ma jiro weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay laamaha

ammaanka.

 

Somali President Inaugurates Development Projects in Galmudug

0

Dhusamareeb — Somali President Hassan Sheikh Mohamud, alongside Galmudug regional leader Ahmed Abdi Kariye,(Qoorqoor) on Wednesday inaugurated the Nagaad Project Center in Dhusamareeb, a facility implemented by the city’s municipal government.

 

The president’s visit to Galmudug included meetings with local communities and the opening of several development initiatives across the region. Officials say the projects are part of broader efforts to boost infrastructure and service delivery in central Somalia.

 

Mohamud also used the trip to rally support for the government’s military campaign against al-Shabaab, urging communities to strengthen cooperation with security forces engaged in ongoing counterinsurgency operations.

Al-Shabab Retakes Mahaas as Federal Forces Target Jubaland Instead

0

HM _Mahaas, SOMALIA – The strategic town of Mahaas, which was held continuously by government forces for over twelve years, fell to Al-Shabab this morning following a calculated counter-offensive that exploited the security vacuum created by Mogadishu’s political warfare against federal member states. The loss of Mahaas, coming as federal forces are airlifted to Gedo to confront Jubaland’s administration rather than extremists, represents the wholesale collapse of the much-heralded 2022 uprising against Al-Shabab in eastern Hiran—a collapse accelerated by the Federal Government’s systematic prioritization of political control over security imperatives.

 

The fall of this historically significant town, which had weathered Al-Shabab’s previous incarnations and survived the militant group’s territorial apex, to a relatively modest force demonstrates how profoundly federal political warfare has degraded Somalia’s security architecture. Local sources report that Al-Shabab’s recapture involved minimal resistance, as demoralized government forces, stripped of reinforcements diverted to political operations and abandoned by a federal leadership more interested in confronting Jubaland than extremists, simply melted away in the face of militants who offered local communities the peace deals that Mogadishu could not.

 

This morning’s events in Mahaas represent the nadir of a security strategy that has transformed from counter-terrorism to counter-federalism, from fighting extremists to fighting regional administrations that maintain the only effective governance in Somalia. As federal aircraft ferry troops to intimidate Ahmed Madobe’s democratically elected administration in Gedo, as resources flow to SSC-Khatumo’s territorial claims against Puntland, and as the Somali National Army hemorrhages territory across southern Somalia, the question no longer remains whether the Federal Government can defeat Al-Shabab but whether it has become the militant group’s most effective ally through its systematic undermining of every functioning security arrangement in the country.

 

The Strategic Significance of Mahaas

Mahaas occupies a unique position in Somalia’s security geography, sitting at the intersection of crucial supply routes that connect eastern Hiran to both government-controlled territories and Al-Shabab strongholds. Its twelve-year resistance to militant control, through the Ethiopian intervention, AMISOM/ATMIS operations, and the various iterations of Somali governmental authority, made it a symbol of resilience and a practical demonstration that sustained government presence could prevent extremist encroachment even in contested territories.

 

Local security officials, speaking on condition of anonymity as they fled the advancing militants, described how Mahaas served as an early warning system for Al-Shabab movements, a coordination point for regional security operations, and a demonstration effect that government authority could persist even in challenging environments. Its fall eliminates these capabilities while handing Al-Shabab control over critical infrastructure and population centers.

 

The timing of Mahaas’s collapse proves particularly devastating given its role in the 2022 anti-Al-Shabab uprising that President Hassan Sheikh Mohamud initially hailed as a turning point in the war against extremism. The town had served as a logistics hub for the Macawisley militia operations, a safe haven for community leaders organizing resistance, and proof that local populations would support government authority when given credible alternatives to extremist rule. That this symbol of resistance has fallen to government abandonment and community exhaustion speaks to the profound demoralization that federal political warfare has inflicted on Somalia’s security efforts.

 

Al-Shabab’s Political Warfare Succeeds Where Federal Governance Fails

Al-Shabab has been systematically negotiating peace agreements with communities in eastern Hiran, a sophisticated evolution in the group’s strategy that exploits the governance vacuum created by federal political preoccupations. These agreements, which local sources describe as offering security guarantees, reduced taxation, and conflict resolution mechanisms in exchange for acceptance of Al-Shabab authority, provide what exhausted communities desperately need: predictability and protection from the chaos of competing authorities.

 

The content of these peace deals, as reported by community members who participated in negotiations, reveals Al-Shabab’s growing political sophistication. Rather than imposing harsh rule immediately, the group offers graduated implementation of their governance system, and exemptions for certain cultural practices. This flexibility, born from lessons learned during previous territorial control, contrasts sharply with the Federal Government’s rigid insistence on unconditional submission to authorities that provide neither security nor services.

 

This dynamic inverts every assumption underlying international support for Somalia’s federal structure. When Al-Shabab becomes the actor providing stability and the Federal Government becomes the force generating chaos, communities make rational choices for survival that happen to align with extremist expansion. The tragedy lies not in these communities’ choices but in the federal abandonment that makes such choices necessary.

 

 

The SSC-Khatumo Distraction

While Al-Shabab consolidates its gains in southern Somalia, the Federal Government continues pouring resources into SSC-Khatumo’s efforts to claim portions of Puntland territory. The weapons, funds, and political support flowing to SSC-Khatumo represent resources directly diverted from the fight against extremism, creating a zero-sum dynamic where every federal effort to undermine Puntland translates into operational advantages for terrorist groups.

 

The federal support for SSC-Khatumo’s territorial ambitions has forced Puntland to maintain significant military deployments along its internal borders, reducing forces available for operations in the Al-Miskad and Cal Madow mountains where Al-Shabab and ISIS-Somalia maintain strongholds. I

 

The strategic incoherence of supporting SSC-Khatumo while losing to Al-Shabab reflects deeper pathologies in federal decision-making. No rational security assessment would prioritize creating new conflicts in stable regions over resolving existential threats in contested areas. No professional military doctrine endorses opening multiple fronts while losing on the primary battlefield. No sustainable governance model attacks its own successful components while failing in core responsibilities. Yet these principles, obvious to any observer, seem to escape a federal leadership consumed by political calculations.

 

The Unraveling of the 2022 Uprising

The fall of Mahaas marks the definitive end of illusions about the 2022 anti-Al-Shabab uprising in Hiran and Middle Shabelle, an initiative that President Hassan Sheikh Mohamud had proclaimed as a new model for community-led security operations. Launched with great fanfare in June 2022, the uprising initially showed promise as local Macawisley militias, supported by federal forces and energized by community grievances against Al-Shabab’s harsh taxation, reclaimed significant territory including strategic towns and rural districts.

 

The uprising’s initial success stemmed from genuine popular mobilization against extremist excesses, competent military coordination between local and federal forces, and sustained political attention that provided resources and legitimacy. Communities that had suffered under Al-Shabab’s draconian rule saw opportunities for liberation and contributed fighters, intelligence, and logistical support. International partners, encouraged by organic Somali resistance to extremism, provided additional assistance that enabled rapid territorial gains.

 

However, the federal leadership’s subsequent actions systematically undermined every element that made the uprising successful. Political attention shifted from supporting liberated communities to confronting regional administrations. Military resources were diverted from consolidating gains to political operations. Promises of development and governance in liberated areas evaporated as federal focus moved to constitutional manipulation and term extension schemes. Most damagingly, the community militias that formed the uprising’s backbone found themselves abandoned—unpaid, unequipped, and increasingly vulnerable to Al-Shabab’s inevitable counter-offensive

Madaxweyne xasan sheikh oo amaanay horumarada ka socda galmudug

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb xarunta Gobolka Galgaduud ayaa maanta xarrig jaraya Xarunta Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug oo si casri ah loo dhisay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kale xarrig jar iyo dhagax ku sameynaya mashaariic kale oo Dowlad-Goboleedka Galmudug laga hirgeliyay & kuwa kale oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa dhowaan sheegay in Dowlad-Goboleedkiisa uu ka faa’iideystay mashaariicda loogu talagalay in laga hirgeliyo sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedka Galmudug isaga oo kala hadlay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si loo dardargeliyo howlgalladaas loogana qabsan lahaa deegaannada ay weli ka joogaan Gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Madaxweyne xasan sheikh oo dhusamareb Ku sugan Iyo wear adka U Ku qaday mucaradka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlaya arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hidisaha doorashooyin qof iyo cod ah, wax-ka-bedddelka Dastuurka iyo wadahalladii u dhaxeeyay dawladda iyo mucaaradka.

 

Xasan Sheekh ayaa ku dhalliilay xubnaha mucaaradka ee la baxay Madasha Matabixinta in ay iyagu lahaayeen sababta keentay in isfahan la gaadhi waayo.

“Waar maxaad diiddan tihiin dastuurka waa badan yahay e’. Waxa la yidhi cutub la yidhaahdo afraad oo ka mid ah afartii cutub ee dib loo eegay, ha la celiyo. Cutubkii afraad ee ku jiray 2012, haddii uu na anfacayo mid kalaba lama sameeyeen. Na ma anfacayo. Cutubka afraad qaata kan aad rabtaan soo qora oo aan ka wada hadalno. Saddexdii shir ee ugu horreeyay waxba waa ay keeni waayeen. Kii afraad ayay qodobbo keeneen. Waan oggolaanay in aan baarlamaanka ku celinno. [waxaan dhahnay] tan waan oggol nahay ee wixii kale aan ka wadahadalno. Maya e’ tan hala ansixiy, wixii kalana ha laga wada xaajoodo. Maalin walba wadaxaajood ma wadi karno, ” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaal

iya.

 

Sawiro: dhuusamareeb ciidamo wadoyinka la soo dhobay Iyo madaxweyne xasan oo dhuusamareeb Ku sugan

0

Taliska Booliska Caasimadda Dhuusamareeb, oo kaashanaya Talisyada Booliska degmooyinka Xeraale iyo Balanballe, ayaa habeenkii labaad ka fuliyay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga. 

 

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay gudaha magaalada iyo xaafadaha caasimadda,waxaana horkacayey Taliyaha Booliska Caasimadda G/le Nuur Cilmi Maxamed.

 

Howlgalka waxaa diiradda lagu saaray sugidda gaadiidka iyo dadka lagu tuhmayo falal amni-darro, 

Howlgalka waxaana qeyb ka ahaa Taliyaha Booliska Degmada Balanballe, Dhamme Liibaan Cabdi Cismaan Iyo Taliyaha Booliska Degmada Xeraale.L/le Ahmed Ciiro ayaa kormeer ku sameeyay goobaha bulshada isku aragto iyo xarumaha ganacsiga, wuxuuna bulshada la wadaagay amar horay uga soo baxay Taliska Booliska Galmudug, kaas oo ganacsatada loogu sheegay in ay xirtaan kaamirooyinka CCTV-

si loo xoojiyo amniga. goobahoohada ganacsiga.

Bulshada caasimada ayaa soo dhaweydayHowlgalkaan Lagu xaqiininayo Amniga caasimadda Saraakiisha ayaa warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah ganacsatada durba hirgaliyay amarkaasi oo xarumahooda ku xiray kaamirooyinka.

Dil toogasho oo lagu fuliyay maanta dhalinyaro Shabab ka tirsana

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay Saleebaan Xuseen Nuur Cali oo sidoo kale loo ganayay (Cali & Siyaaf) iyo Cabdulqaadir Abuukar Axmed (Nasru-diin & Saabir) oo horay dilal uga geystay Magaalada Muqdisho.

 

Labada Nin ee toogashada maanta lagu fuliyay waxa ay horay uga soo muuqdeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyaga oo ka sheekeenaya dilalka ay ka geysteen Magaalada Muqdisho, mid kamid ah ayaa dilay nin ganacsade ahaa.

 

Kiisaskooda ayaa soo maray Maxkamadda Ciidamada qalabka sida sida eedeynta Xeer Ilaalinta iyo difaaca qareennada waxaana ugu dambeyn maanta lagu fuliyay xukunka dilka toogashada ah ee horay loogu riday.

Maxaa soo Kordhay afduubka loo gaysanayo shacabka gaallkacyo

0

War ka so baxay Booliska Degmada Gaalkacyo.

Police-ka saldhiga degmada Galkacyo ayaa ku guulaystay inay gacanta ku soodhigeen nin sheegay in muraayada gaarigiisa ay ka jabiyeen labo ilmood oo yar yar kadibna uu si sharciga baal marsan uu gaarigiisa ilmihii ugu qaatay balse dadaal dheer oo ay sameeyeen Police-ku ayaa lagu guulaystay in si amaan ah gacanta loogu soodhigo ninkii iyo labadii ilmood, waxayna hada ku jiraan gacanta Police-ka saldhiga degmada Galkacyo.

Taliyaha saldhiga Police-ka degmada Galkacyo Gaashaanle Cali Xirsi Sahal ayaa yiri “Waxaan sidoo kale bulsho waynta Galkacyo la wadaagaynaa in 24-kii saac ee lasoo dhafay aysan jirin wax af duub ah oo magalada Galkacyo ka dhacay balse maalin ka hor ayaa waxaa magalada ka dhacay in kooxo hubaysan ay wiil dhalinyaro ah u gaysteen afduub wilina laamaaha amaanku ay ku daba jiraan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa wiilkaas dhalinyarada ah, waxaana bulshada qaybaheeda kala duwan la wadaagaynaa inay is dajiyaan lana shaqeeyaan Police-ka degmada Galkacyo.”

Mudooyinkiibu danbeyay magaalada gaallkacyo ee xarunta gobalka mudug waxa Ku soo badanayay afduubka kaasi oo ay geysanayeen kooxo hubaysan oo ka soo jeeda dhanka puntand

Koox hubaysan oo galkacyo ka afdubatay wiil dhalinyaro ah kana soo jeda galmudug

0

Warar lagu kalsoonan karo oo Laga helayo magaalada gaallkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa waxa ay shegaya in magaladaasi Laga afduubtay wiil dhalinyaro ah kaasi oo ka soo jeeda koonfurta magalada gaallkacyo ee galmudug

Shaqsiga la afdubty oo ka soo jeeda galmudug ayaa Lagu magacabaa Ciise nuur cali waxaana uu ahaa sida dadka deganka hobyomedia ay shegeen wade mooto bajaaj iyadoona kooxdii afduubtay ay geeyeen deganka goldogob ee hoostsga gobalka mudug.

Kooxda afduubka geysatay oo ka soo jeeda puntlnd gaar ahan deganka goldogob ayaa sheegay in ay donayan lacag madax furasho ah hadii la doonayo in wiilkaasi la soo daaayo.

Odoyaasha beesha leelkase oo lala xiriiray aya wali wada dadaal Lagu soo deynayo wiilka dhalinyarada ah iyadoona dhacdadani ay tahay markii labaad oo qof la afdubto ehelkooda lacag la waydiiyo.

Dhacdo kale oo horey U dhacday.

Warar lagu kalsoonan karo aya tilmaamaya in kooxdan hada ka hor ay dhaqsi kale ay afduubtay iyagoo helay lacag gaaraysa 10kun oo dollar taasi oo soo dadajisay in falkan oo kale mar kale uu ka dhaco magaalada gaallkacyo.

Arintan waxa ay culays Iyo Amin xumo Ku tahay wadajirka bulshada gaallkacyo madama gaallkacyo uu ka muuwdo isbadal xoogan xaga amniga ah.

Ciidamada amaanka labada dhinac oo hobyomedia la xariirtay Ayaa shegaya in ay wadaan baaritaano islanmarkaana ay Ku dadaalayaan in dib loo helo shaqsiga maqan.

 

Isku soo wada duubo arintan aya waxa ay Ku soo beegantay xili Dhawan waan waan nabadeed laga dhax waday beelaha sacad iyo leelkase madama ay soo laab laabatay dirirta labada dhinac U dhaxayso

 

Hobyomedia.com

Xafiiska wararka cadaado

 

 

Dhuusamareeb galmudug Iyo ururo caalami ah oo shiray maxaa soo Kordhay?

0

Agsimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Madaxtooyada Galmudug oo Ka Qayb Galay Shir Looga Hadlayay Isku Xirka Bulshada iyo Dowladda

 

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Madaxtooyada Galmudug, Mudane Abdikarim Alcadala, ayaa maanta ka qayb galay shir muhiim ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka ka dhexeeya bulshada rayidka ah iyo hay’adaha dowladda.

Shirkan oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa isugu yimid masuuliyiin ka kala socday wasaaradaha heer dawlad-goboleed, hay’adaha bulshada rayidka ah, iyo wakiillo ka socday ururrada caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha horumarinta iyo dowlad-dhiska.

Mudane Abdikarim Alcadala ayaa khudbadiisa ku xusay muhiimadda ay leedahay in la dhiso kalsooni iyo wada-shaqayn dhab ah oo u dhaxaysa dowladda iyo shacabka, si loo helo adeegyo cadaalad ah oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada. Wuxuu carabka ku dhuftay doorka ay Waaxda Arrimaha Bulshadu ku leedahay dhexdhexaadinta iyo fududaynta wadahadallada u dhexeeya labada dhinac.

“Xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya dowladda iyo bulshada waa tiirka ay ku taagan tahay dowladnimada. Waxaan rabnaa inaan helno bulsho codkeeda la maqlo, lagana qayb geliyo go’aan qaadashada,” ayuu yiri Agaasime Abdikarim Alcadala.

Shirka ayaa lagu lafa guray caqabadaha jira, fursadaha ka bannaan, iyo hababka lagu horumarin karo wada shaqaynta dowladda iyo bulshada, iyadoo la diyaariyay talooyin wax ku ool ah oo la doonayo in lagu daro siyaasadda guud ee maamulka Galmudug.

Dhamaadka shirka, waxaa la isla gartay in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya sidii qorshayaashii kasoo baxay shirka loo hirgelin lahaa, loona dardargelin lahaa hawlaha la xiriira is-dhexgalka bulshada iyo dowladda

Madaxweyne xasan sheikh oo galmudug Ku soo wajahan (xog xasaasi ah)

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

 

Sida ilo xog ogaal ah ay hobyomedia U sheegeen Madaxweynaha ayaa kulamo looga hadlayo dagaalka AS, la yeelan doono Madaxda Galmudug, qeybaha bulshada iyo saraakiisha ciidanka xoogga.

 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu furo mashaariic laga hirgaliyay magaalada Dhuusamareeb, sida xarig jarka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur oo Dayactir lagu sameeyay.

 

Wafdi hore dhac u ah Madaxweynaha iyo ciidanka ilaalada ayaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin Madax ka tirsan Dowladda Federaalka.

 

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa intii hayay xilka hayay muddo xileedkan dhowr jeer safar ku tagay deegaannada Galmudug, si loo xoojiyo howlgallada ay wadaan ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka.

Dagaal Beeleed Khasaaro Geystay oo Ka Socda Deegaanka Garasle, Galgaduud

0

Dagaal beeleed culus ayaa weli ka socda deegaanka Garasle ee gobolka Galgaduud, bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegeen Saraakiisha deegaanka.Dagaal Beeleed Khasaaro Geystay oo Ka Socda Deegaanka Garasle, Galgaduud

Dagaalka ayaa u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Balanballe iyo Guriceel, kuwaas oo muddooyinkii dambe isku hayay arrimo la xiriira dilal hore iyo muran ka dhashay milkiyadda dhulalka deegaanka.

 

Wararka laga helayo dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa ku sugan waqooyiga Galgaduud, ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada rasmiga ah ee waxyeellada.

 

Goobta lagu dagaalamayo ayaa ah meel aan si toos ah uga talin maamulka dowlad-goboleedka Galmudug, waxaana sidoo kale ay u dhowdahay xadka uu Galgaduud la wadaago dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

 

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, beelahan ayaa horay u dagaalamay marar kala duwan, waxaana weli la waayay xal waara ama heshiis rasmi ah oo colaadda lagu joojiyo, taasoo keentay in dagaalku dib u qarxo mar kasta.

 

Colaadaha sokeeye ee gobolka Galgaduud ayaa si joogto ah usoo laabtay, iyagoo sababay khasaaro naf iyo maalba leh, kuna saleysan arrimo aan wax xal ah loo helin muddo dheer.

 

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dowladda federaalka ama maamulka Galmudug oo ku aaddan dagaalkan socda, iyadoo ay muuqato baahi weyn oo loo qabo in si deg-deg ah loo dhexgalo si loo joojiyo dhiigga daadanaya.

Faah faahino Shabab Iyo ciidanka dowlada Somalia oo Ku dagaalamay gobalka mudug.

0

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Faarax Aadan iyo degaan kale oo dhanka qorrax u dhac kaga beegan degmada Xarardheere masaafo ahaan 10 KM, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

 

Howlgal xooggan ayaa wali socda waxaana halkaasi ku sugnaa oo la weeraray xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegayaan saraakiisha ciidanka.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu ka dambeeyay kadib markii ay ciidamada ma war heleen in Al-Shabaab isku aruursanayeen degaanka Faarax Aadan, isla markaana wadooyinka ay Miino ku aasayeen, waxaana la soo werinayaa inuu jiro khasaare xooggan oo la gaarsiiyay kooxda.

 

Sidoo kale waxaa la burburiyay fariisamo ay kooxda ku laheyd deegaanka 

 

Dagaal U dhexeeya beelaha sacad iyo saleeban oo bilowday Iyo qasaare la soo shegayo

0

 HM:-Dagaal u dhexxeya beelaha Sacad iyo Saleebaan ayaa ka dhacay maantay baliga Jeexdin oo u dhexeeya Galinsoor iyo Wad.

 

Sida wararka hordhaca ah ay sheegayaan 2-ruux oo dhinacyada dagaalantay ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka waxaana socda dadaalo lagu hakinayo Colaadda.

Warar lagu kalsoonan karo oo ay heshay hobyomedia ayaa shegaya in an wali la helin wax waan waan ah oo lagu Kala qaboojinayo dagaaladaaasi

 

Xiisadaan ayaa salka ku haysa muran dhul oo taagnaa maalmihii la soodhaafay, dhowr mar ayayna maamuladda degmooyinka Cadaado iyo Galinsoor ku baxeen xal u helidda xiisaddaan.

Wixii warar ah oo ku soo kordha Kala soco hobyomedia 

 

Madaxweyne xasan sheikh Iyo mucaaradka oo kulankii ugu adka Ku leh maanta Muqdisho

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta madasha mucaaradka ee hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Sheeekh Axmed ayaa maanta kulankooda seddexaad ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

 

Kulanka maanta ayaa dhinacyada waxaa ay ka wadahadlo doonaan khilaafka ka taagan nooca doorashada 2026 iyo wax ka badalka dastuurka Soomaaliya.

 

Natiijada kulankan ayaa si weyn isha loogu hayaa maadaama labadii kulan ee horey dhinacyada isfaham gaari waayeen

 

Kulankaan ayaa waxaa la filayaa in laga gaaro go’aano muhiim ah oo wax ka bedelaya habka doorashada 2026 iyo sidoo kale dhaqangelinta wax ka bedelka dastuurka.

 

Natiijada kulanka saddexaad ayaa si weyn isha loogu hayaa, waxaana laga filayaa in ay kasoo baxaan go’aano muhiim ah oo saameyn doona mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxaa jira walaac weyn oo ku saabsan in haddii wadahadalku uu guuldareysto, Soomaaliya ay gali karto xilli cusub oo khilaafyo siyaasadeed ah, iyadoo doorashada 2026 ay noqon karto mid aan la aqbalikarin.

 

Deg deg dagaalo beleedyo dib uga bilowday Galmudug

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu mar kale ka qarxay deegaanka Meersiis oo hoostaga degmada Ceelbuur.

 

Dagaalkaan ayaa u dhexeeya maleeshiyaad hubeysan oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Guriceel iyo Ceelbuur, kuwaasoo muddooyinkii dambe isku hayay arrimo la xiriira muranno dhuleed iyo ismaandhaafyo la xariira saami qeybsiga kheyraadka deegaanka.

 

Sidoo kale dagaalka ayaa salka ku haya, kadib markii dhawaan naleeshiyaad ka soo jeedo magaalada Ceelbuur ay dad rayid ah ku dileen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

 

Goob-joogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in la maqlayo dhawaqa rasaas culus iyo hubka waaweyn, iyadoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka.

 

Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku ku faafo deegaanno hor leh.

 

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka weli kama aysan hadlin xaaladda, balse wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dadaallo nabadeed hore loogu jiray uu fashilmay, taasoo keentay in colaadda dib u qaraxdo maanta.

 

Dagaallada sidan oo kale ah ayaa horay uga dhacay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaasoo saameyn xun ku yeeshay nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isku socodka dadka s

hacabka ah.

 

Galmudug oo wali ay ka socota diwangalinta dooroshoyinka qof Iyo cod

0

Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Dowladda Galmudug, waxaa si dardar leh uga socda diiwaangelinta dadweynaha ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo cod ah ee la filayo in dalka laga qabto mustaqbalka dhow.

 

Howshan muhiimka ah ayaa ka socota goobo dhowr ah oo magaalada laga furay, iyadoo dadweynuhu ay si weyn uga qeyb-qaadanayaan, una soo baxayaan sidii ay u qaadan lahaayeen shahaadada codbixinta.

 

Shaqaalaha diiwaangelinta iyo guddiyada ku hawlan howlgalka ayaa sheegay in hawsha ay u socoto si habsami leh, iyagoo ugu baaqay shacabka reer Dhuusamareeb in ay ka faa’iideystaan fursaddan si ay door muhiim ah uga qaataan geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

 

Dadka ayaa si mug leh u muujinaya wacyi siyaasadeed iyo dareen muwaadinimo, taasoo muujineysa sida ay ugu heelan yihiin in codkoodu saameyn ku yeesho hoggaanka mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Faah faahino :Dagaalo beleedyo dib iga qarxay mar kale Deganada Galmudug

0

Dagaal xooggan ayaa shalay mar kle ka qarxay deegaanka Meersiis oo ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay ku dagaalamayaan beelo wada dega deegaankaasi.

 

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii shalay afarta qof oo xoolo dhaqato ah lagu dilay deegaanka Tuke-gaw oo ku dhow goobta uu dagaalku ka socdo.

 

 

Dadka la dilay ayaa kasoo jeeday mid kamid ah beelaha maanta dirirtu u dhexeysa

 

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, mana jirto xog rasmi ah oo laga helayo khasaaraha rasmiga ah sababo la xiriira isgaarsiinta deegaanka oo aad u liidata.

 

Sidoo kale xalay fiidkii ayaa weerar kale oo ka dhacay isla deegaanka Meersiis sababay dhimasho iyo dhaawac taas oo keentay in xiisadda ay cirka isku shareerto oo uu saaka dagaalku dib uga qarxo deegaankaasi.

 

Ma jiro faahfaahin ka soo baxay maamulka Gobolka Galgaduud iyo

Galmudug.

Xogta Ku saabsan beesha laga tirada badan yahay ee Israaiil ay sheegtay in ay difaacayso gudaha Siiriya?

0

Dagaallo sokeeye oo ay sabab u tahay is-qabqabsi diimeed oo cusub ayaa gilgilay Suuriya, taas oo muujinaysa sida uu u jilicsan yahay amniga dalkaasi, xilli dowladda cusub ay isku dayayso inay si buuxda ula wareegto awoodda qaysan ee dhulkaas.

 

Axaddii 13-ka July, afduub loo geystay ganacsade ka tirsan beesha laga tirada badan yahay ee Druze ayaa sababay dagaal qadhaah oo socday maalmo badan, kaas oo dhexmaray maleeshiyaad Druze ah iyo dagaalyahanno Sunni Badawayiin ah oo ku sugan koonfurta Suuriya.

 

Taladadii 15-ka July, Israa’iil ayaa faragelin milatari ku samaysay, iyada oo sheegtay in ciidamadeedu ay doonayaan inay difaacaan beesha Druze iyo inay cidhib-tiraan xoogagga dowladda taageersan ee lagu eedeeyay inay weerareen beeshaasi deggan gudaha Suweida. Sida uu sheegay Ururka Kormeerka Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya, ugu yaraan 300 qof ayaa lagu dilay Suweida tan iyo Axaddii.

 

Rabshadahani waa kuwii ugu horreeyay ee ka dhaca gobolka ay ku badan yihiin dadka Druze ee Suweida tan iyo dagaalladii Abriil iyo Maaj, oo u dhexeeyay dagaalyahannada Druze iyo ciidamada cusub ee ammaanka Suuriya, kuwaas oo sababay dhimashada dad badan. Intaa ka hor, bishii March, dagaallo ka dhacay gobollada xeebaha Suuriya ayaa lagu sheegay in lagu dilay boqolaal ka tirsan beesha laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta, oo uu ka soo jeedo madaxweynihii hore Bashar al-Assad.

Dhacdo dhax martay oday Hindi ah Iyo Somali ah arin guurka gabadhiisa Ku saabsan

0

Dalka Hindiya waa dalka labaad ee ugu dadka badan dunida haddana waa dalka koowaad ee ugu furriinka yar dunida. Waxaa ku nool bulshooyin kala duwan marka laga hadlayo dhinacyada dhaqanka, diinta iyo luqadda, sidaas daraaddeed tusaaleyaasha ay qormadan bixineyso waxay ka tarjumayaan dhaqanka Hindida qaar ee aan la kulmay.

 

Haddii guurka sabab iyo shuruudo ay ka horreeyaan waxaa adag in la is furo, haddana markii laga gudbo shuruudaha waa in laga dhabeeyaa oo la ilaaliyaa sababta la isu guursaday.

 

Dumarka Hindiya kama fiicna haweenka kale oo dhan, laakiin waxaa jira labo sabab oo marka laga yimaado rabitaankooda nololeed ku khasbaya inay raalliyooyin noqdaan.

 

Midda koowaad, gabadha Hindida ah haddii la furo ama laga dhinto way adag tahay in mar kale la guursado.

 

Tan labaadna, ninka Hindiga ah wax kasta waxaa uga horreeya carruurtiisa iyo xaaskiisa, aad ayay ugu faanaan.

 

Tusaalaha ugu fudud waxaa waaye, nin Hindi ah oo qoys ah markii aad isbaraneysaan wuxuu ku leeyahay, “magaceygu waa hebal. Heerkeyga aqoonta waa sidaas. Halkaas ayaan ka shaqeeyaa ama waxaas ayaan qabtaa. Waxaan leeyahay xaas, heblaayo ayaa la yiraahdaa. Heerkeeda aqoonta iyo shaqadeeda waa sidaas. Intaas oo carruur ah ayaa ii joogta, waxbarashada halkaas ayay maraayaan.”

Gobalka gado dowlada Somalia oo ciidamo Ku daabulaysa Maxaa soo Kordhay?

0

Waxaa mar kale soo cusboonaaday loolanka dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ee la xiriira gacan ku heynta gobolka Gedo.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay socdaan dhaqdhaqaaqyo ay labada dhinac ka wadaan gudaha magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Warbaahinta Jubbaland ayaa baahisay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku daabuleyso gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Beledxaawo.

 

Sidoo kale, Ilo wareedyo ku sugan Beledxaawo ayaa soo sheegaya in dowladda Federaalka ay gobolka Gedo u magacaabeyso mas’uuliyiin iyo saraakiil cusub si ay uga shaqeeyaan Amniga iyo nabad galyada gobolka.

 

Dhaqdhaqaaqyadani waxaa ay ku soo soo aadayaan xilli dhawaan Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre uu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan.

 

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha gobolka Gedo oo Cabdirishiid Janan saameyn ku leeyahay.

Khilaaf ayaa muddo ku dhow sannad u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, kaasi oo salka ku haya Doorashadii 25 Novembar lagu doortay Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

 

Weli Dowladda Soomaaliya kama hadlin dhaqdhaqaaqyada ka socda gobolka Gedo iyo eedaha ay u jeediyeen maamulka Jubbaland.

Xog waa Kuma saraakiisha sare sare ee laga laayay Al-Shabaab

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay xadka kala qeybiyaha Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe lagud dilay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

 

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen Isgoyska Gayacad oo u dhow deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, halka shan kalana dhaawacyo halis ah lagu gaarsiiyey.” ayaa lagu yiri qoraalka.

 

Sidoo kale qoraalka NISA ayaa waxaa intaasi lagu daray “Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan oo isla xalay ah, ayaa waxaa lagu beegsaday koox Khawaarij ah oo laga soo abaabulay degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo doonayay in ay gurmad ahaan ugu gudbaan Khawaarij kale oo ku go’doonsan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.”

 

Taliska NISA ayaa sidoo kale warka ku sheegay ” Inkasta oo Kooxda Khawaarijtu isku dayday in ay ku dhuumaaleysato dhulka howdka ah, haddana seddaxda howlgal ee lagu bartilmaameedsaday ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, waxaana halkaas lagu dilay 15 xubnood oo Khawaarij ah halka ilaa shan kalana la xaqiijiyay in dhaawacyo halis ah ay gaareen. Howlgalka ayaa wali socda iyada oo lagu lagu raad-joogo firxadka maleeshiyaadka baxsadka ka ah howlgallada dha

cay.”

 

Imaaradka carabta oo wali saameyn xoogan Ku leh dowlada madaxweyne xasan sheikh(xog buuxda)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Ahmed Juma Al-Rumaithi.

 

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulanka maanta uga wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya ee labada dal ee ku dhisan wax-wada qabsiga.

 

Safiirka ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, waxaa uuna shaaca ka qaaday in ay ka shaqeynayaan horumarinta kaabiyaasha dhaqaalaha.

 

Dowladda Imaaradka Carabta ayaa ka mid ah dalalka si weyn u taageera Soomaaliya, waxaa ayna xarumo ay ku leedahay Jubbaland,Puntland iyo Soomaaliland.

 

 

Dowlada germalka oo diyaarad ah muqdisho Ku geysay Somali la soo tarxiilay

0

Dayaarad gaar ah oo ka baxday shalay gelinkii dambe garoonka diyaaradaha Leipzig ayaa sideed qof oo Soomaali ah u qaaday magaalada Muqdisho sida ay dowladda Jarmalku sheegtay.

 

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiis-goboleedka magangalyada iyo dib-u-celinta ee gobolka Bayern, sideeda qof ee la celiyay ayaa aheyd arrin sharciyan loo baahnaa in dadkaas dalka laga saaro. Lix ka mid ah sideeda qof ee la celiyay waxaa lagu qaaday sharciga gobolka Bavaria, waxaana lagu helay dambi.

 

Dambiyada lagu helay dadkan waxaa ka mid ah isku day dil, kufsi, dil-bareer ah, dhaawacyo halis ah, dhac, iska caabin ciidamada ammaanka iyo kuwa kale.

 

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in gobolka Bayern ay ka go’an tahay in ay siiyaan mudnaanta kowaad sidii dib loogu celin lahaa dambiilayaasha la doonayo in dalka laga saaro.p4

Sidoo kale waxay dowlada sheegtay in si degdeg ah oo wax ku ool ah ay u masaafurineyso dadka ay tahay in dalka ay ka baxaan gaar ahaan dambiilayaasha iyo kuwa rabshadaha sameeya. Waxay kaloo sheegtay dowladda in tani ay ku timid iskaashiga xoogan ee ka dhexeeya xafiisyada dowladda iyo booliska.

Xuutiyiinta oo weeraro culus qaaday wararkii U danbeyay

0

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) ayaa si rasmi ah u codsaday in xasaanadda laga qaado Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Qoraal rasmi ah oo sumadiisu tahay XIG/DPS/36/2025 ayaa loo diray Golaha Wakiillada Puntland, kaas oo lagu codsanayo in laga qaado xasaanadda Xildhibaanka si loo horgeeyo sharciga, iyadoo lagu eedeeyay inuu galay falal culus oo khatar ku ah amniga Puntland.

Eedeymaha loo jeediyay Xildhibaanka waxaa kamid ah:

• Abaabul ciidan oo lagu carqaladeynayo amniga gobolka Sanaag.

• Faafinta sawirro iyo hadallo baraha bulshada ah oo lagu dhaliilayo Puntland isaga oo xiran dareyska ciidanka.

• Ku lug lahaansho dambiyo culus sida ku xusan qodobbada 221, 223 iyo 233 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in xasaanadda laga qaado si ciidamada ammaanku u helaan fursad ay ku soo qabtaan, loona bilaabo maxkamadeyn rasmi ah.

Warqaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Puntland ay wajahaysay xaalado siyaasadeed oo cakiran, gaar ahaan khilaafyo siyaasadeed oo ka taagnaa Baarlamaanka iyo dhaliilo uga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka ah.e

Puntand oo dalab deg deg ah gudbisay si xilka looga qaado mundane…..

0

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) ayaa si rasmi ah u codsaday in xasaanadda laga qaado Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

 

Qoraal rasmi ah oo sumadiisu tahay XIG/DPS/36/2025 ayaa loo diray Golaha Wakiillada Puntland, kaas oo lagu codsanayo in laga qaado xasaanadda Xildhibaanka si loo horgeeyo sharciga, iyadoo lagu eedeeyay inuu galay falal culus oo khatar ku ah amniga Puntland.

 

Eedeymaha loo jeediyay Xildhibaanka waxaa kamid ah:

 

• Abaabul ciidan oo lagu carqaladeynayo amniga gobolka Sanaag.

 

• Faafinta sawirro iyo hadallo baraha bulshada ah oo lagu dhaliilayo Puntland isaga oo xiran dareyska ciidanka.

 

• Ku lug lahaansho dambiyo culus sida ku xusan qodobbada 221, 223 iyo 233 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

 

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in xasaanadda laga qaado si ciidamada ammaanku u helaan fursad ay ku soo qabtaan, loona bilaabo maxkamadeyn rasmi ah.

 

Warqaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Puntland ay wajahaysay xaalado siyaasadeed oo cakiran, gaar ahaan khilaafyo siyaasadeed oo ka taagnaa Baarlamaanka iyo dhaliilo uga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Dhibaatada haysata dadka muqdisho “(qoromo kooban)

0

Dadka xaafadaha Muqdisho degan ee u tabarta la’ bixinta canshuurta wasaarada maaliyadda iyo tan garab socota ee degmooyinka sida dadban u qaadaan, waxaa u soo kordhiyay in si khasab ah ay ku bixiyaan lacago kale oo lagu sheegay in wadooyinka xaafadahooda lagu dhigaayo dhagaxa interlock ah. Yaa hawshaan ka danbeeya oo dhibaato iyo culays ku ah dadweyne ayaga dawladooda ka sugaya kaalmada nololeed?

 

Haddii gudoomiyayaasha degmooyinka iyo shirkadaha dhigaya dhagaxa interlock-ga ay ayagu yihiin kuwa abaabulaya, heshiiskana ku ah in dadka lagu khasbo in ay bixiyaan lacag ka badan tan la fili karo, waxaa muhiim ah in la fahmo sababaha ay mas’uuliyiintaa sidaa u yeeleen.

 

Waxaa meesha ka soo baxi kara uguna wayn waa damaca danleey adeegsanaysa awooda dawladda oo u gefaya maqaamka mas’uuliyadeed ee ay dadweynaha ugu adeegi lahayeen.

 

Maamulka sare gobolka Banaadir iyo dawladda hoose indhaha kama xirna kamana hadlaan, waxaaba dhacda inay xarrigga ka jaraan waddo lagu dhagax dhigay dheecaanka dadka tabarta yar ee xaafadaha isku raranta degan.

 

Dadkaa tabarta yar shaqana aan haysan, looguna goodinaayo xarig iyo in guriga albaabkiisa laga furaanaayo, waxaa ka mas’uul ah dawladda hoose oo ay ka sugayaan in ay u horumariso, u dayactirka, ka kaafaala qaado dhismaha dhagaxa Interlock ah ee lagu ijbaaray.

 

Duqa cusub ee Muqdishu waxaa u taal inuu fahmo in Muqdisho aysan haysan hay’ado kaalmo bixiya, taageero dhaqaale oo ka timaada hay’ado samafal ka shaqeeya iyo ururro bulsho oo iiman leh oo u abaabulan danta guud ee daweynaha.

 

Duqa cusub Amiir ha fahmo mar kale inuu la kowsanaayo xaalado adag oo daweynaha uu mas’uuliyadooda soo doontay ay ku sugan yihiin ee leh cabsiyo dhowr bahood ka soo jeeda. Ha kala barto danleyda iyo dadweynaha. Ha ogaado in dadku bilo yar ay sugayaan inuu u soo jeedsanayo xagooda ama uu u jeesanayo dhanka danleyda.

 

Xanuunka ugu wayn ee maanta dadweynaha caasimadda noloshooda saamaynta ku leh waa in jeebadahooda laga raadiyo lacag aan loo dhiiban, lacag aan shaqo uu ka keeno la siin iyo lacag loo xiraayo haddii laga waayo.

 

Haddii dawlada hoose iyo tan dhexeba aysan qaadin mas’uuliyad ku filan oo ku aaddan ilaalinta xaaladaha nolosha dadka caasimadda iyo ka jawaabidda dhibaatada soo foodsaartay, waxay tani keeni kartaa kalsooni daro, walaac iyo noloshoo sii gaabisa.

 

Waxaa shaqayn kara muhiimna ah in dadku walaacooda iyo cabashadooda nabad ku muujiyaan, dawladda hoose iyo tan dhexana dhug u yeeshaan dareenka bulshada ay mas’uuliyadeeda qaadeen, kuna qancin karaan hubinta in cadaalad loo helo kharashyada badan ee aan canshuuraha ahayn ee dhabar jebinaya noloshooda.

 

WQ Faarax Cumar

 

Diogo Jota geeriyidiisi kadib xog qarsoodi ahyd oo la helay

0

Dhammaan cadaymaha ilaa hadda waxay muujinayaan in ciyaaryahanka reer Portugal ee Diogo Jota uu kaxeynayay gaarigiisa markii uu shil ku galay waddo wayn oo ku taalla dalka Spain.

 

Warbixinadii ugu dambeeyay ayaa muujinaya inay u badan tahay inuu ku socday xawaare sare, sida ay booliisku sheegeen.

 

Ciyaartoyga Liverpool oo 28 jir ah ayaa la dhintay walaalkiis André Silva, oo 25 jir ah, ka dib markii ay gaarigi ay wateen ay lugta u baxday gobolka waqooyi-galbeed ee Zamora horaantii Khamiista hore.

 

Booliiska Spain ayaa xiligaasi sheegay in gaariga ay u badan tahay inuu gaariga uu isku dayay in uu xoog ku dhaafo gaari kale oo ka horeeyay meel u dhow Palacios de Sanabria islamarkana uu waddada ka baxay oo uu dab qabsaday.

 

“Wax walbaa waxay tilmaamayaan suurtagalnimada in xawaaruhu uu gaariga ku socday uu dhaafay xadka la ogol yahay,” ayuu yiraahdeen ciidamada wadooyiinka ee gobolkaZamora.

 

Degano horleh oo Shabab laga xoreeyay

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa maanta weerar ku qaaday xero ay deganaayeen Khawaarijta oo ku taalla duleedka deegaanka Kurtun ee gobolka Baay.

 

Weerarkaasi waxay ciidamadu ku gaarsiiyeen cadowga dharbaaxo culus, iyagoo sidoo kale ka soo furtay hub iyo saanad ciidan

Faaf fashion dheeraad ah  filo goordhow

Magaalada Dhuusamareeb oo cameroyinka CCTV lagu xirayo

0

Taliyaha Booliska Dhuusamareeb Dhame Nuur Cilmi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadlay amniga guud ee caasimadda Galmudug,Taliyaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida

 

Sidoo kale, wuxuu ganacsatada ku amray in ay goobahooda ganacsiga ku xiraan “Caamiro CCTV”, si loo sugo amniga Magaalada Dhuusamareeb.

 

Waxaa sidoo kale digniin u diray askarta hubka ku dhex haysta gudaha magaalada Magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna sheegay in arrintaasi aan la aqbali doono, islamarkaana ay talaabo ka qaadi doonaan askarigii ay ku arkaan isagoo hub ku wata bartamaha magaaladaasi.

 

Go’aankan ayaa ka dambeeyay kadib markii maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Dhuusamareeb ku soo bateen falalka amni darro

Ilhan Omar”Netanyahu wa dabiile dagaal ooge ah”

0

Xildhibaana Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa si adag u cambaareysay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku tegay dalka Mareykanka.

 

Qoraal ay Xildhibaan Ilhaan ku soo qortay barteeda Twitter waxaa ay ku sheegtay in Netanyahu uu geystay dambiyo dagaal oo ka dhacay magaalada Qasa, isla markaasna uu mudan yahay in lala xisaabtamo.

 

“Tani waa booqashadii saddexaad ee Netanyahu uu sanadkan ku yimaado DC. Dambiilayaal dagaal looma baahna in ay martiqaadaan madaxweyne ama Congress toona. Waa in lala xisaabtamaa dambiyadiisa, loogana hortagaa in la siiyo meel uu ku hadlo. Tani waa ceeb aan la qari karin.” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.

 

Hadalkan ayaa imaanaya xilli Ra’iisul Wasaare Netanyahu lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamnimada, iyadoo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ay bishii November ee sannadkii hore soo saartay amar xarig ka dhan ah isaga iyo Wasiirkii Difaaca dalkaasi.

 

Tan iyo bishii October 2023, ciidamada Israa’iil waxay dileen in ka badan 57 kun qof oo Falastiiniyiin ah oo intooda badanna ay yihiin haween iyo carruur, waxaana Qasa ay la tacaaleysaa burbur, gaajo iyo cudurro faafaya.

Mareynkanka qasaaraha dadka Ku dhintay fatahaada oo korartay

0

Waxaa si kordhayaa khasaaraha ka dhashay fatahaado ku dhuftay gobolka Taxes ee dalka Mareykanka. Ugu yaraan 104 oo ay ku jiraan 31 carruur ah ayaa inta la xaqiijiyey ku geeriyoodey daadad xoog badan oo ku soo rogmadey gobolka Taxes, halkaas oo uu ku fatahay webiga Guadalupe.

 

Dadaallada lagu samatabixinayo dadka fatahaaddu saameysay ayaa maalintii shanaad socda, iyadoo kooxaha gurmadka degdegga ah ay ku dayayaan in ay la tacaalaan daadgureynta mashaqada ka dhalatay biyo baxada.

 

Afahayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka, Karoline Leavitt ayaa sheegtay in Madaxweyne Trump u uku wajahgan yahay gobolka masiibadu ku habsatay, siu u u indho-indheeyo hawlaha gurmadka.

 

Dadka geeriyoodey ayaa waxaa ku jira 27 hablood oo ku jirey goob loo xagaa baxo, ku waas oo daadku qaaday.

Dowlada Canada oo.askarteeda baaris Ku bilowday xog muhiim ah

0

Afar nin oo ka tirsan ciidamada Canada, ku waas oo loo haysto in ay maleegayeen shirqool dowladda ka dhan ah ayaa lagu wadaa in soo taago maxkamad ku taal gobolka Québec.

Raggan oo ka tirsan Booliiska Fardooleyda ah ee Boqortooyada (RCMP) ayaa ku eedeysan in ay maleegeen qorshe ay si qarsoodi ah ugu abuurayeen dabley dowladda lid ku ah islamarkaana ay si ‘khasab’ ah ku qabsadeen dhul.

Booliska ayaa sheegay in 3 ka mid ah raggan tuhman in ka qaybgaleen carbis militari oo lagu baray habka toogashada iyo sahanka goobo ka tirsan magaalda Québec oo ay rabeen in falal dambiyeed ka fuliyaan.

Kooxdan ayaa sidoo kale la sheegay in ay haysteensaanad isugu jirta walxo qarxa , qoryaha darrandoorriga u dhaca iyo kummaan rasaas ah, hubkaas oo dhamaan laga xaday

Muqdisho dowlada Somalia oo qorshe muhiim ah soo bandhigtay

0

Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa billaawday qorshe dib loogu furayo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, si loo yareeyo culeyska iyo ciriiriga ay wajahayaan Shacabka ku dhaqan Caasimadda.

 

Guddi loo xilsaaray xal ka gaaraan saxmadda ka jirta waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

 

Guddigan oo ka kooban Hay’addaha Amniga, Maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka ka dhasha ciriiriga gaadiidka ee waddooyinka Muqdisho, iyo sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa waddooyinka xiran si dib loogu furo.

 

Shirkaan ayaa sidoo kale la isku raacay in culeyska xayiraadaha ka dhashay laga yareeyo shacabka.

 

Wasiirka ayaa faray guddiga in ay si degdeg ah u billaabaan howlaha, isla markaasna soo diyaariyaan qorshe lagala soo tashaday hay’adaha amniga, gaadiidka, iyo maamulka degmooyinka.

 

Waddooyinka loo yaqaan Jid cadayaasha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku go’an dhagaxyo, tillaabadaasi oo dowladda u qaaday sidii loo xaqiijin lahaa Amniga, loogana hortagi lahaa qaraxyada.

Mareynkanka oo dowlada soomaliya siiyay gadiidka dagaalks xog muhiim ah

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay gaadiid casri ah oo ay Dowladda Mareykanka ugu deeqday Ciidanka Booliiska, gaar ahaan waaxda la dagaalanka argagixisada.

 

Mr. Steven Gillen, oo ah safiir ku xigeenka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa wareejinta gaadiidkan ka dhigay munaasabad kooban oo ka dhacday Muqdisho.

 

Taliyaha Booliiska ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah iyo garab istaagga ay siiyaan ciidamada amniga, isagoo xusay in gaadiidkan cusub ay si gaar ah uga faa’iideysan doonaan ciidamada gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada, kuwaasoo mararka qaar u baahan dhaq-dhaqaaq deg-deg ah iyo qalab casri ah si ay ula tacaalaan khatarta Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee nabadda diidan.

 

“Horumar weyn ayaa lagu sameeyay tayada iyo qalabaynta ciidamadan, waxaana gaadiidkan qeyb ka noqon doona dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka,” ayuu yiri Taliye Asad Cismaan.

 

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, iyo la dagaalanka argagixi ifsada.

 

 

Qarixii muqdisho ee Maanta Iyo xog xasaasi ah

0

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qof walxaha isku soo xiray uu isku qarxiyay kulliyada ciidamada ee Jaalle Siyaad barqanimadii maanta. Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya oo war kooban soo saartay ayaa sheegtay in abaare 11:20 uu qarax ka dhacay afaafka hore ee kuliyadda kaas oo uu fuliyay bay yiraahdeen xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab oo is qarxiyay.

 

Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada ammaanku ay wadaan baaritaan, isla markaana la soo gudbin doono macluumaadka iyo xogta qaraxa marka uu soo dhammaado baaritaanku.

 

Al-shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxa ayaa iyana soo weriyay in qofka is qarxiyay uu beegsaday ciidamo tababar ku jira iyo saraakiil caddaan ah, halkaasna uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

 

Illaa hadda lama hayo xog madaxbanaan oo ka hadlaysa khasaaraha uu dhaliyay qaraxa ka dhacay maanta kulliyada Jaalle Diyarado.

Ethiopian oo gobalka Hiiraan geysay hub culus

0

Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shixnad milateri oo ay ugu talagashay in ay ku kaalmeyso dagaalka ay ciidamada dowladda iyo kuwa macawisleyda reer Hiiraan ay kula jiraa Ururka Alshabaab soo gaarsiisay gobolka Hiiraan, sida ay BBC u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Shixnaddan ma ah tii ugu horreysay ee ay Itoobiya soo gaarsiiso gobolka Hiiraan, waase markii seddexaad ee ay soo gaarsiiso, balse gargaarkan milateri ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan ay Alshabaab ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Moqokori ee gobolka hiiraan.

Shixnadda oo ka koobneyd ilaa sedex gaari oo shiraacan oo kuwa xamuulka sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah ayeysan labada maamul ka hadlin waxa ay kooban tahay, waxaana Taliyaha Guud ee Ciidanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Gen. Cabdi Cali Siyaad uu ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad.

Deg deg maxkamada cadaalada aduunka oo amartay in la soo qabto madaxda talibaan

0

 Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo laba ka mid ah madaxda sare ee ururka Taliban, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay tacadiyo u geystaan haweenka iyo gabdhaha dalka Afgaanistaan.

 

Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa xaqiijisay “sababo macquul ah” oo lagu aamini karo in hogaamiyaha ugu sareeya Hibatullah Akhundzada iyo madaxa cadaalada Abdul Hakim Haqqani ay galeen dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada iyagoo si xun ula dhaqmaya haweenka iyo gabdhaha tan iyo markii ay xukunka ay la wareegeen 2021.

 

Taalibaan oo ka jawaabaysa waxa ay ku dhawaaqday in aanay aqoonsanayn Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada,iyaga oo ku sifeeyay waaranka qabashada mid “ficil cadawtinimo ah” iyo “aflagaado loo geysanayo caqiidada Muslimiinta caalamka”.

Trump iyo Netanyahu oo yeeshay kulan ay albaabbada u xiran yihiin iyo Xamaas oo digniin jeedisay

0

Trump iyo Netanyahu oo yeeshay kulan ay albaabbada u xiran yihiin iyo Xamaas oo digniin jeedisay

 

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shalay la kulmay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu markii labaad muddo 24 saac gudahood ah, iyada oo Trump uu sii xoojinayo cadaadiska ku aaddan heshiis lagu soo afjarayo “musiibada” dagaalka Qaza iyo sii deynta la haystayaasha.

 

Ilaa hadda si rasmi ah looma faah faahin kulanka labaad ee labada dhinac.

 

Madaxweynaha Mareykanka ayaa kulankii labaad ee uu la qaatay ra’iisul wasaaraha Israa’iil muddo labo maalmood gudahood ah uu ka turjumayaa rabitaanka is-afgaradka ah ee dhammaan dhinacyada. Waxa uu yiri, “Waa masiibo, wuxuu rabaa inuu xaliyo, anigu waxaan rabaa in aan xaliyo, waxaanan aaminsanahay in dhinaca kale uu sidaas oo kale doonayo.

 

Kolonyada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa gaaray Aqalka Cad fiidkii hore ee Talaadada, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo wada saareen Aqalka Cad.

0

Of the 41 documented violations, 27 occurred in Mogadishu, making it by far the most dangerous location for journalists during this period. In March, April and May, journalists in Mogadishu were specifically targeted by both the Somali Federal Police and agents of the National Intelligence and Security Agency (NISA).

 

Their actions formed part of a broader and ongoing crackdown on the media by state security forces. In many cases, officers appeared to be acting on their own initiative, eager to prove loyalty to political leaders by flexing their authority on journalists

 

The national political leadership must rein in the commanders of the security forces who are repressing journalists on their own initiative, pretending to act in the interests of their political superiors when, in reality, no such orders were given. Their actions are not helping anyone. Instead of serving their political superiors, they are creating bigger problems,” said Osman.

Somaliland followed with 12 recorded attacks on journalists, a number that remained high even after the election of a new government. This evidence clearly shows that a change in leadership has not brought any meaningful improvement in the treatment of media freedom. Puntland and Galmudug each reported one case, further confirming that these violations are not confined to a single region. The problem is widespread and no part of Somalia can be considered safe for journalists who dare to speak the truth, even if specific violations were not documented in this report.

 

Of the 40 journalists who were attacked during this period, 36 were male and 4 were female. In addition to these individual cases, one media house was completely banned from operating. These numbers highlight a harsh and troubling reality: regardless of gender, journalists in Somalia face serious risks simply for doing their jobs.

 

NUSOJ urges Somali authorities at both federal and regional levels to act without delay and bring an end to the hostility directed at the media. Journalists must be protected, not punished. Those who harass, detain, or threaten media workers must be held accountable and the right to report must be upheld countrywide.

 

“This is not just a crisis for the media. It is a crisis for Somalia,” said Osman. “You cannot build peace, justice or democracy while silencing the people who bring the truth to the public. We are not asking for favours. We are demanding the rights that are already protected by law. Journalism is not a crime. It is a public duty that serves the entire society.”

 

Somalia Sees Sharp Rise in Media Freedom Attacks Over Past Six Months, Says NUSOJ

 

 

 

Xasaasi :Somaliland oo ka walacsan ciidanka haramcad oo gobalka sanaag diyarado Lagu geeyay

0

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee la geeyay qaybo kamid ah gobolka Sanaag, waxayna sheegtay in cawaaqibka arrintaasi ka dhasha uu dusha saaran doono Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa yidhi: “Ninka Moqokori ay Al Shabaab ka qabsanayso ee aan xasillin karin ammaanka Muqdisho, ayaa Sanaag ciidan u diraya – waa wax laga xishoodo. Waxaanu leenahay: cawaaqibka ka dhasha cid kula qaadan mayso ee adaa yeelan doona.”

 

“Waxaanu ku waaninaynaa oo aanu ugu baaqaynaa in uu faraha kala baxo waxa aan loo diran loona dooran ee uu faraha kula jiro. Somaliland xuduudeeda iyadaa iska leh,” ayuu Wasiir Ayaanle hadalkiisa sii raaciyay.

 

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay gadood sameeyeen shalay sababo la xidhiidha mushaar la’aan, taas beddelkeedana dhaqaalihii beesha caalamku siisay dowladda Soomaaliya loo isticmaalayo in lagu weeraro deegaano nabad ah. Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay fiiro gaar ah u yeeshaan lacagaha ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Xog muhiim ah :Masar oo Laga xabsi qabto iyo ay weerarto Ethiopia

0

Masar ayaa wacad ku martay in ay ka soo horjeedo in Itoobiya ay galaangal ku yeelato Badda Cas, waxa ayna ballan qaaday in ay dardargelin doonto taageerada milatari ee ay siiso Soomaaliya, taas oo sii xoojineysa isbaheysiga amniga xilli ay sii kordhayaan xiisadaha gobolka.

 

Kadib wadahadal uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi waxa uu sheegay in Masar “aysan u dulqaadan doonin dhaqdhaqaaqyada halista ku ah qarannimada Soomaaliya ama badqabka marin biyoodka Badda Cas,” oo ah marin biyood muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.

 

Digniintan ayaa ku soo beegantay bilo ka dib markii Itoobiya ay heshiis muran badan dhalisay la saxeexatay Somaliland bishii January 2024, kaas oo ay ku doonaysay in ay badda iyo ganacsigaba galaangal u yeelato si ay u aqoonsato gobolka ka goostay.

 

Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid sharci darro ah, halka Masar ay sheegtay in uu halis gelinayo maraakiibta u kala goosha Kanaalka Suweys.

 

Sida ku cad heshiiska difaaca ee la saxiixay sannadkii hore, Masar waxay tababaraysay oo qalabaynaysay ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee dagaalka kula jira falaagada Al-Shabaab. El-Sissi waxa uu sheegay in barnaamijkaas uu hadda ballaarin doono, isla markaana ay ciidamada Masar ku biiri karaan howlgalka xasilinta mustaqbalka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya marka la helo dhaqaalaha.

 

Maxamuud ayaa soo dhaweeyay tallaabadaas, isagoo sheegay in ciidan Soomaaliyeed oo xoog leh ay “albaabka ka xiri doonaan faragelinta shisheeye”. Waxa kale oo ay labada hoggaamiye ku heshiiyeen in la kordhiyo iskaashiga ganacsiga, tamarta, iyo kalluumaysiga, iyada oo la isku dubbaridaynayo dedaallada diblomaasiyadeed ee lagu joojinayo heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee shirar-madaxeedka Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ee soo socda.

Itoobiya, oo aan bad lahayn tan iyo xorriyadda Ereteriya 1993, ayaa muddo dheer raadinaysay deked toos ah si ay u fududayso kharashaadka dhoofinta. Hadda, in ka badan 90 boqolkiiba ganacsigeedu waxa uu maraa Djibouti. Badda Cas ayaa weli ah marin caalami ah oo xasaasi ah oo ay ilaalinayaan ciidamada badda ee caalamiga ah iyadoo ay jirto khataraha budhcad-badeedda iyo colaadaha gobolka.

Maxuu isku dilay wasiirki gadiidka rushka Dog xasaasi ah

0

Wasiirkii hore ee gaadiidka Ruushka Roman Starovoit ayaa is dilay shalay, ka dib saacado uun markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu xilka ka qaaday, sida ay sheegeen saraakiisha.

 

Wareegtada lagu shaaciyay xil ka qaadistiisa ayaa lagu daabacay website-ka rasmiga ah ee Kremlin-ka, iyadoo ku xigeenkiisa Andrey Nikitin loo magacaabay ku simaha wasiirka.

 

Guddiga baarista ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen sida ay wax u dhaceen.

 

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in Starovoit uu ku lug lahaa baaritaan ku saabsan lunsashada hantida qaranka ee loo qoondeeyay dhismo dhufeysyo ah oo gobolka ah.

 

Kahor inta uusan noqon wasiir May 2024, Starovoit ayaa ahaa gudoomiyaha gobolka Kursk ee koonfurta Ruushka, isaga oo shaqada ka tagay ka hor dagaalkii Ukraine, xilli lagu eedeeyay fashilka amni ee gobolka Ruushka.

Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Puntland

0

Taliska ciidanka Mareykanka ayaa xaqiijiyay iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya in ay duqeymo ka fuliyeen deegaanno meel koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Puntland.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka ay la beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Daacish, isla markaasna khasaare la Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Puntland gaarsiiyay.

 

“Duqeyntani waxay muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AFRICOM in laga hortago khatarta Daacish, isla markaasna ay sii wadi doonaan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay AFRICOM.

 

Sidoo kale, Africom ayaa xaqiijisay in la hubiyay goobaha laga fuliyay duqeymaha, isla markaasna aysan cid shacab ah khasaare ka soo gaarin.

 

Taliska ciidanka Mareykanka iyo Dowladda Federaalka ayaa kordhiyay duqeymaha ay iska kaashanayaan ee ay ka fuliyaan gudaha dalka.

Xiisad dagaal iyo wararkii U danbeyay

0

 

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay wadaan dhaq dhaqaaqyo milateri iyo abaabul ay ku doonayaan in ay dib u qabsadaan degmada Moqokori, oo shalay ay la wareegen maleeshiyaadka Al-shabaab,kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.

 

Dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ayaa bilaabay abaabul xooggan iyo gurmad dagaal, si ay mar kale gacanta ugu dhigaan degmada Moqokori, Waxaana saaka socda dhaq dhaqaaqyo xooggan oo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.

 

 

Shalay dagaalkii ugu cuslaa ayaa ka dhacay degmada Moqokori, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen degmadaasi, kadibna ay la wareegeen degmadaaasi.

 

Labo sano iyo bar ka hor ayaa laga saaray Al-shabaab magaalada iyadoo ay gacanta u gashay ciidamada deegaanka oo gacan ka helaya ciidamada dowladda.

 

Degmada Moqokori ayaa ah meel isku xirta gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, iyo Galgaduud, taas oo ka dhigan mid muhiimadeeda dhanka isku socodka halbowle u ah gobolladaas.

 

Dowladda Soomaaliya ayaan wali war ka soo saarin galitaanka al-shabaab ee degamada Moqokori.

 

Hiiraan ayaa waxaa in muddo ah ka socda guluf culus oo ay qayb ka yihiin dadka deegaanka, kaas oo horseeday in gobolkaasi si weyn looga difaaco argagixsada.

Dowlada Sacuudiga oo Xukuno Dil ah ku Fulisay Ajaanib kala Duwan oo Somali ku jirto

0

Amnesty International, ayaa warbixin ay soo saartay shalay oo Isniin ahayd ku sheegtay in Sacuudi Carabiya ay sanadihii u dambeeyay dil ku fulisay dad badan oo ajnabi ah oo ay ku jiraan Soomaali, gaar ahaan dambiyada la xiriira daroogada.

Hay’adda ayaa warbixinta ay soo saartay ku sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ay gaartay heerkii ugu sarreeyay tirada xukunnada dilka ah ee lagu fuliyo dadka ajnabiga ah ee ay ku jiraan Soomaalida ee gudaha Sacuudiga loogu geysto sababo la xiriira dambiyada daroogada.

Sacuudi Carabiya ayaa dil qoor-goyn ah ku fulisay 345 qof sanadkii hore, waana tiradii ugu badneyd ee Amnesty laga diwaan geliyo soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Hay’adda xuquuqul insaanka u doodda ayaa sheegtay in lixdii bilood ee la soo dhaafay oo kaliya lagu fuliyay 180 qof, waxaana suuragal ah in tiradaasi ay sare u kacdo.

Sacuudi Carabiya ayaa xukunka ku fulisay 1,816 qof intii u dhaxeysay Janaayo 2014 iyo June 2025, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaas.

Mid ka mid ah saddex ka mid ah dilalkan ayaa ahaa dambiyo la xiriira daroogada, kuwaas oo aan ahayn dambiyo aan dil ahayn marka loo eego sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo heerarka, Amnesty ayaa ku sheegtay warbixinta.

Waxaa sidoo kale warbixinta ku xusan in 597 qof oo lagu helay xukunka dilka ah ee dambiyada la xiriira daroogada tobankii sano ee la soo dhaafay, 75 boqolkiiba ay ahaayeen muwaadiniin ajnabi ah oo Soomaali ay ku jiraan.

Sida laga soo xigtay Midowga Yurub, Sacuudi Carabiya ayaa fulisay 345 xukun dil ah 2024-kii.

Lixdii bilood ee la soo dhaafay, January ilaa June 2025, Sacuudi Carabiya waxa ay dil qoor-goyn ah ku fulisay 180 qof.

Bishii Juun 2025 oo keliya, waddanku wuxuu dil ku fuliyay 46 qof, oo 37 ka mid ah ay ahaayeen kuwo la xiriira daroogada.

Tani waxay ka dhigan tahay in celcelis ahaan, in ka badan hal qof lagu dilo maalin kasta kiisaska la xiriira daroogada, ayay Amnesty ku sheegtay warbixinteeda.

Amnesty ayaa sheegtay in 34 ka mid ah ay u dhasheen dalalka Masar, Itoobiya, Jordan, Nigeria, Pakistan, Soomaaliya iyo Suuriya.

“Isticmaalka aan naxariista lahayn ee Sacuudi Carabiya ee ciqaabta dilka ka dib tijaabooyin aan caddaalad ahayn kaliya ma muujinayso quursiga ay u leedahay nolosha bini’aadamka, laakiin isticmaalkeeda dambiyada la xiriira daroogada ayaa sidoo kale xadgudub cad ku ah sharciga caalamiga ah iyo heerarka,” Christine Beckerl, Agaasimaha Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee Amnesty International ayaa sidaa tiri.

Waxa ay intaa ku dartay, “… warbixintani waxay daaha ka qaadaysaa xaqiiqada mugdiga iyo khatarta ah ee ka dambaysa sawirka horumarka leh ee ay mas’uuliyiintu isku dayayaan inay u muujiyaan si caalami ah.”

Ilaa 345 dil ah oo la fuliyay 2024, marka loo eego jadwalka Yurub, waxay ka dhigan yihiin tiradii ugu badnayd ee xukunnada ay Amnesty International ka diwaangeliso Sacuudi Carabiya in ka badan soddon sano.

Dadkan, 35 boqolkiiba, ama 122 qof, ayaa lagu fuliyay dambiyo la xiriira daroogada, waana tiradii ugu badneyd ee hal sano gudaheed ah tan iyo markii Amnesty ay billowday diiwaan gelinta ciqaabta dilka ee Sacuudiga 1990-kii.

Sacuudi Carabiya ayaa hakisay ciqaabta dilka ah ee dambiyada la xiriira daroogada sanadka 2020.

Labo sano ka hor, Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dhawaaqay in xukunka dilka ah lagu fulin doono oo kaliya kuwa dilka geystay.

Si kastaba ha ahaatee, dhowr bilood ka dib sanadkaas, Sacuudi Carabiya ayaa bilaabay fulinta xukunka dilka ah ee shakhsiyaadka lagu helay dambiyada la xiriira daroogada iyada oo aan la sheegin wax sabab ah.

Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dhowr waddan oo ku yaalla Bariga Dhexe ee fuliya xukunka dilka ah ee lagu fuliyo dambiyada la xiriira daroogada, oo ay ku jiraan Iiraan, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta.

Muwaadiniinta ajaanibta ah iyo xukunnada dilka ee la xiriira daroogada

Warbixinta ay soo saartay Amnesty International ayaa iftiimisay sida dadka ajaanibka ah loogu dilayo xaaladaha naxdinta leh ee dambiyada la xiriira daroogada.

Si gaar ah Amnesty waxay sheegtay in tobankii sano ee la soo dhaafay 155 Pakistaniyiin ah, 66 Suuriyaan ah, 50 Urdun ah, 39 Yemeni ah, 33 Masaari ah, 32 Nigeria u dhashay, 22 Soomaali ah iyo 13 Itoobiyaan ah lagu xukumay dil.

Intaa waxaa dheer, ajaanib badan oo kale ayaa halis ugu jira dhimasho.

Sanadkii lasoo dhaafay dhammaadkiisii, maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran dalka Sacuudiga kuna xukunnaa dil ayaa dalbanayay in xukunka laga khafiifiyo, iyagoo loo heysto inay dalkaasi soo geliyeen daroogo.

Maxaabiistan oo xilliyo kala duwan la qabtay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 50 qof.

Ehellada maxaabiistan oo dhalinyaro u badan oo qaarkood BBC la hadlay xilligaas ayaa sheegay in markoodii hore ay dalkaasi u tageen inay ka shaqeystaan. Lama hubo inay ku jiraan dadka xukunka dilka lagu fuliyay iyo in kale.

Xigasho Bbcsomali

Wasiir Fiqi oo ka hadlay Eedeymaha Ku Saabsan in dowladda Ciidamo Geysay Sanaag iyo Sool

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay ciidamo u dirtay gobollada Sanaag iyo Sool, isaga oo sheegay in aysan jirin sabab suurtagal ah oo ciidamadaas loogu diri lahaa deegaannadaas.

“Waxaan si cad u caddaynaynaa in Dowladda Federaalka aysan ciidan geynin gobollada Sanaag iyo Sool, sabab loo geeyana aysan muuqan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isagoo ka hadlayay wararka maalmihii dambe ku wareegayay baraha bulshada.

Wasiirku wuxuu sidoo kale dhaliilay eedeymaha loo jeedinayo dowladda Federaalka, isagoo ku tilmaamay kuwo aan caddayn loo hayn.

ogaysiis muhiim ah

0

10sano kadib waxan dib u habayn Ku samayn doona qaab dhismeedka website ka ,kadib markii ay kordheen aqristayaasha Ku xiran warbaahinta hobyomedia

Fadlan mar kale dib ugu soo laabo